Dhegahii Alle Waansha, Waanadada Dhegayste, Weersiba Ceeb Uguweyne,Wadhiba Idin Raacday
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
WADANAADAN WAKIILIYO,WASIIRO TOONA LAHAYN,
WELIBA SII AFRIKAAN AH,WEEL NINKAW TOLANAAYE,
WAX U DOONANAYOOW,WAALI BAAD U BADHEEDHE,
WARKAAGAANU SUGNAAYE,HADDII WEYNE KU GEEYO,
WAAYEELOW WAX KU QAADO,WANJALKA INA GEELEE,
WIIDA QAYLADU YEEDHEE,WEERARKII XASSAN BAAJAY,
WAXANA AANAY DHAMAANE,WELINA AAN LA OGAYN,
WAAGU GOORU BERYAYO,WARWAREEG TAHAY XAAJO,
DHEGAHII ALLE WAANSHAA,WAANADADA DHEGAYSTE,
WEEL DALOOLAN DHAAMINAYA,WARKAYGINA BILAASH,
WIIRSIGAA CEEB UGU WEYNE,WEER CADBA XIDHATEEN,
WADHIBA IDIN RAACDAYE,WEERARKANI AFKA WEEYEE,
WARMAYNTUUN U ADKAYSTA,WAAYAHEEDA ADUUNYO.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!