Mustaqbalka Abiy Ahmed Ee Hogaaminta Ethiopia Iyo Xaaladaha Adag Eeku Gadaaman Hadda ...!!!
YAA KEENAY TALADA DALKA ETHIOPIA DR ABIY AHMED ALI KU YIMID ?
Markii Dr Abiy Ahmed Ali Ethiopia taladeeda la wareegay waxa uu ku
yimid kacdoonadii qoomiyada Oromo ay ka wadeen dalkaasi mudo dheer, oo
ka soo bilaabantay xiligii Malez Zenawi Ethiopia Raisal wasaaraha ka
ahaa.
Waxyaabaha xiligaasi kiciyey waxa uu ahaa in caasimada Addis-Ababa la
rabay in la fidiyo oo loo sii qorsheeyo dhul kale oo ka mid ah
xayndaabka magaalada Addis-Ababa, dhulkaasi waxa uu ahaa dhul beereed ay
leeyihiin qoomiyada Oromadu in xoog ay doontay in ay dawladu kula
wareegto.
Qoomiyada Oroma oo ah dadka Ethiopia ugu badan oo hore u tirsanayey
in aanay talada dalka Ethiopia waxba ku lahayn iyaga oo ah dadka ugu
badan, ugu wax soo saar badan, dhulkooguna yahay ka Ethiopia oo dhami
isugu timi ee xudunta u ah dalkaasi.
Waxa bilaabmay kacdoono iyo is-abaabul laga bilaabay dibada dalka iyo
dhaq-dhaqaaqyo xoojin u noqday jabhado ay leeyihiin qoomiyada Oroma oo
qaarna Ethiopia ku dhex dhuumaalaysan jireen, qaarna Erateria
fadhiyeen.
Kacdoonadii ugu horeeyey waxa ay noqdeen isu-soo baxyo la isku
tijaabinayo in dadku mudaharaadaan oo dalkaasi Ethiopia aan noocoogu
hore uga dhici jirin, waxaana xoog kaga hortagtay xukuumadii xiligaasi
oo dad badan ku laysay, arintaasi waxa ay shidaal usii noqotay
is-abaabulkii iyo dhaq-dhaqaaqyadii xaq u dirirka ahaa Oroma.
Xiligii Haila Mariam Desalem waxa uu isku dayey in uu qanciyo oo uu
dejiyo qoomiyada Oroma oo kacdoonada ay wadeen sii xoogeysanayeen,
waxaana uu xukuumadii ku soo daray xubno oromo ah oo badan iyo
madaxwayne Oroma ka soo jeeda oo cusub, markii madaxweynihiii hore isaga
tagey kursiga.
Arintaasi waxba kama ay badelin kacdoonkii qoomiyada Oroma ay ku
rabeen in ay dalka Ethiopia xaqooda ka helaan , waxaana qasab noqotay in
uu is casilo oo uu danta Ethiopia ka horeysiiyo kursiga uu fadhiyo
Raisal wasaarihii ka soo jeeday shucuubta koonfureed ee Haila Mariam
Desalem .
Maamulkii Ethiopia oo ahaa ururo ku mideysan xisbiga EPRDF ayaa waxa
ay isla garteen in loo dhiibo dalka Oromo, waxaana gudoomiye xiligaasi
xisbiga Oromada ka ahaa Abiy Ahmed Ali ahaana xubin baarlamaanka
federalka Ethiopia ah si uu talada dalkaasi usii wado qoomiyada Oroma oo
uu ka soo jeedaana u degto.
Abiy Ahmed judhiiba waxa uu sameeyey isbadelo iyo dhaq-dhaqaaqyo
cajiib ah oo aan la fileyn kuwaasi oo xaaladihii dalka Ethiopia
gudihiisa yaalay u jiheeyey dhinac kale , waa kii la heshiiyey Erateria,
la heshiiyey jabhadihii Ethiopia ka soo horjeeday maamulkeega, dhulkii
Badame na qaatay qaraarkii qaramada midoobay ku siisay Erateria oo ay
maamulka Ethiopia diidanaayeen.
Arimahani waxa ay wax ka badeleen siyaasadii guud ee dalka Ethiopia
laakiin tabashadii qoomiyada Oroma may dawayn, waxaana soo noqday
kacdoonadii oo dib u bilaabmay, iyaga oo hubaysan iyo iyaga oo
mudaharaado ah ba waxa uu la galay dagaal xoogan, waxaana uu xabsiga u
taxaabay madaxii isbadalka iyo kacdoonka Ethiopia Jawar Mohamed iyo
saraakiil sare oo wada Oromo ah.
Waxa ay haddana iska hor yimaadeen TPLF oo ahaa maskaxda, cududa iyo
caqliga Ethiopia ka talinayey 27 kii sanadood ee u dambeeyey, waxaa uu
dhowr goor ku sigtay in Abiy Ahmed la dilo, waxaana uu ka badbaaday
dhawr isku day oo la rabay in lagu khaarajiyo.
Dr Abiy Ahmed oo la siiyey abaalmarinta nabada aduunka ayaa dalkiisii
haddana gudaha dib uga karay, waxaana uu galay dagaalo siyaasadeed iyo
qaar adag oo uu ku weeraray Tigray oo aduunka ay isaga hor yimaadeen,
dhiig badani ku daatay, dad badani ku dhinteen , macaluul, barakac iyo
burbur badana dhaliyey.
HALKEE AY ISKA SEEGEEN MARAYKANKA IYO ETHIOPIA?
Ethiopia waxa uu ahaa dalka ay dawladaha reer galbeedku sida weyn u
ilaalin jireen gaar ahaan Maraykanka iyo reer Yurub , dabadeedna
Ethiopia waxa yimid China xikigii Malez Zenawi oo u soo saaray Gaasta
dabiiciga ah , wadooyin iyo mashaariic badan oo horumarineed galiyey.
Xiligaasi Ethiopia waxa lagu haystay in ay xad-gudubyo xuquuqda
aadamaha ah ka geysatay gobolo dalka Ethiopia ka mid ah oo ka mid yahay
gobolka Soomaalidu, waxaa dacwadi kaga socotay meelo badan waxaana laga
yareeyey kaalmadii uu aduunku siin jirey, waana marka ay China
doonteen iyo cid kale oo u badesha dawlada iyo ururada ay iska hor
yimaadeen.
Haddaba markii uu yimid Abiy Ahmed Ali markiiba gacmo diiran ayuu
aduunku ku soo dhaweeyey oo ay sababtay ficiladiisii layaabka lahaa ee
kala ahaa ;
1- Sii dayntii maxaabiistii siyaasadeed ee jeelasha Ethiopia buuxiyey.
2- Aqbalaadii qaraarkii qaramada midoobay ee dhulka Badame siinayey Erateria oo uu aqbalay.
3- Heshiiska nabadeed ee geesinimada lahaa ee Erateria iyo Ethiopia oo uu hindisay , kuna guuleystay.
4- Siyaasadii Ethiopia oo uu u rogay mid dimuqaradi ah oo furfuran iyo xukuumad kala badh haween yihiin oo uu dhisay.
Halkaasi wax badana way ugu hagaageen xiligaasi hore , waxa maanta
taagana waa halkii ay ka soo bilaabmeen ee ay isaga hor yimaadeen TPLF
iyo Tigray oo u arkay in uu iyaga ku socdo, dhulkoogii bixiyey, ooda
kaga qaaday maxaabiistii ay jeelasha ku gureen, ugaadgsadey
saraakiishii Tigray ee talada gacanta ku hayey 27 kii sanadood ee la soo
dhaafay .
Maamulkii hore ee Tigray waxa ay dawlada maraykanka ka mideysnaayeen
wax badan waxaana ay kuwada jireen dagaalka argagixisada iyo dagaalo
kale oo badan, waxaana ay lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed oo aad u
heer sareeya.
Markii Abiy Ahmed talada la wareegay waxa maraykanka iyo Ethiopia
isaga hor yimaadeen oo kale sida looga wada faaiideysanayo biyaha wabiga
Nile oo uu maraykanku taageeray in la tix galiyo heshiisyadii hore ee
caalamiga ahaa ee yaallay, kuwaasi oo aanay Ethiopia hadda u arkayn in
ay dan u yihiin.
Waxa kale oo aduunka iyo wadamada reer Yurub ay ku dhaliileen in uu
soo celiyey nidaamkii cagajugleynta iyo cabudhinta dadka ahaa ee
Ethiopia hore loogu dhaliili jirey, oo uu xidh-xidhay siyaasiyiintii
mucaaridka iyo dadka bulshada ugu fir-fircoon ee u dooda xuquuqaha dadka
.
Halka sadexaad ee lagu kala fogaaday ee dhalisay dagaalka Tigray iyo
Ethiopia oo ahayd in uu doorashadii Ethiopia la meeraystay Abiy Ahmed oo
ahayd fursad uu isaguna raadinayey mucaaridkiisuna ay ahayd halka ay
rabeen in ay ugu quus gooyaan, waxaana uu sanad ka dib qabsaday
doorasho la mid ah sidii kuwii EPRDF qaban jirtay oo kale ah oo uu
xisbigiisu helay tirada ugu badan.
MUXUU NOQON DOONAA MUSTAQBALKA ETHIOPIA?
Dr Abiy Ahmed waxa soo waajahday xaalad adag oo u baahan sidii uu uga
dabaalan lahaa xili adag oo gudaha dalka Ethiopia ay ka jiraan guux iyo
dagaalo socda oo lagaga soo horjeedo maamulkiisa oo gabood falo foolxun
ka geystay gobolka Tigray.
Waxa uu u muuqdaa mid isku furaya dagaalo kale oo doonaya in uu kala
doorto quwadaha aduunka ku hirdamaya, waxaana uu isku bar-barinayaa
dhinaca Ruushka oo ay xukuumadiisu dhowaan la gashay heshiis ciidamada
tayayntooda iyo hubeyntooda ah.
Sidoo kale waxa uu rabaa in uu China ka dhigto halbowle uu ka helo
waxyaabaha ay ka xayireen maraykanka iyo ururada caalamiga ahi oo
dhamaantood ku cambeereeyey dagaalka uu ku qaaday Tigray isla markaasina
ka aamusay doorashadii ka dhacday dalka Ethiopia 21 June 2021.
Hadii xukuumada Abiy Ahmed ay sidaa ku adkaysato waxa hubaal ah in cimrigeedu soo gaaban doono dhawr sababood ba;
1- Dawladaha maraykanka iyo ururada caalamiga ahi waxa ay u
fiirsanayaan gabood fal kasta oo Ethiopia ka dhaca waxaana la
buun-buunin doonaa wax walba oo ku lid ah maamulkiisa iyada oo jidka
dimuqaradiyada iyo xuquuqda aadamaha loo mari doono, waxaana ka hor
iman doona dadka Ethiopia.
2- Waxa loo go'doomin doonaa dhaqaale ahaan maadaama aanay Ethiopia
isku fileyn oo ay lacag badan iyo mashaariic badan beesha caalamku siin
jirtay.
3- Waxa loo go'doomin doonaa siyaasad ahaan oo maamulka Ethiopia
hadda joogaa waxa uu aduunka ka noqon doonaa tuke baal cad , taasi waxa
ay fursad siin doontaa mucaaridkiisa dibada iyo kuwa gudahaba .
SIDEE UU ABIY AHMED DALKA ETHIOPIA UGA BAD-BAADIN KARAA GO'DOON IYO
DAGAALO DIBLOMAASIYADEED OO GUDAHANA DAGAAL KALE KAGA FURA ?
Dr Abiy Ahmed Ali dalka Ethiopia waxa uu kaga badbaadin karaa
caqabadaha ku soo fool leh dhawr qodob oo muhiim ah dalkiisa iyo
mustaqbalkiisa hogaamineed;
1- In uu nabad iyo wanaag iskaga dhameeyo dagaalka Tigray iyo Ethiopia oo uu heshiis taariikhiya la galo Tplf.
2- In uu guud ahaan dadka Ethiopia intii wax tabanaysa iyo cidii
talada Ethiopia ku dulmanayd xaga awood qaybsiga uu maanta ka miisaamo
dawladiisa isaga oo dadka Ethiopia ugu baaqaya isku duubni iyo
walaalnimo.
3- In uu maxaabiista siyaasadeed ee xidh-xidhan ooda ka qaado , oo
dalka Ethiopia u jiheeyo jiho hogaamin lagu wada qanacsan yahay oo
qofwaliba fursadiisa eegto inta uu qoriga iska dhigo.
4- In uu iska hagaajiyo dhamaan xidhiidhada caalamiga ah , oo uu iska
awdo gol-jilic kasta oo looga soo dhici karo , sidoo kale aanu kala
jeclaan quwadaha aduunka ku loolamaya ee uu dalwalba oo danta Ethiopia
ku jirto la heshiiyo.
Mohamed Abdi Jama
Dhimbiil Mohamed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...