Baroortu Orgiga Ka Wayn

0
Friday July 23, 2021 - 12:50:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baroortu Orgiga Ka Wayn

    Qore: Cabdi Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Jaamac

Soomaalida oo ku dhamaysata xikmadeeda suugaan nooca ay doonto ba haahaate, khaasatan reer Somaliland oo Eebe hibo u siiyay suugaanta noocyadeeda kala duwan ayaa berri laga soo wariyay in ay inani gaadhay da’dii guurka.Ka dibna nin ayay la soo heshiisay in ay caawa u baxdo oo ay ooda jebiso,isna waa la qaatay oo markii xoolihii soo hoydeen ee cagta loodhigay ayay inantii baroor bilowday iyadoo iska dhigaysa inay ka tiiraanyaysan tahay orgi ay lahaayeenoo dacawo cuntay maalinimaddii.Qoyskeeddii ayaa ay muddo ku qaadatay inay ku qanciyaan in Eebbe lahaa,waase ay aamusi wayday oo sii waday oohintii, ka dibaabbaheed oowaayo arag ahaa ayaa gartayin meesha belaayo kale ku jirto oo aan arrinku ahayn kaliya orgi ay dacawo cuntay maalinmaddii,halkaana waxa uu kureebay odhaahda caanka noqotay ee "baroortuorgiga ka wayn” taasi oo ilaa maanta aynu adeegsano.



Wasiir Saajin ayaa soo saaray waraaq uu amerkeedda leeyahay ma fiirsadde Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo ku amrayinuu qoro waraaq bishan July 15-keeddii taasi oo sumadeeddu tahay wg&d/x/w03/00061/2021 uu kuna sheegayo ama uu ku xusayo waqraaqada "waxaanukala noqonay ruqusaddii laga bilaabo bishan July 15keeddii shirkadda Ethiopian Shipping And Logistics Service Enterprise, oo uu leeyahay ganacsadaha da’da yare e hal-abuurka ku talax tagay ee Axmed Cismaan Geelle.



Axmed cisman Geelle oo aan maqaalo hore oo dhawra ka qoray,waa muwaadin la mahadiyay oo la yimi hal abuur-ganacsi iyo shaqo abuurba dadlka Somaliland, galiyaynamalaayiin doolar shirkadda SBI iyo kuwo kale oo uu dalka keenay sida addeegga DHL ka kaasi oo inagu xidhay adduunka inayu gudbaan documents ama waxyaabaha mihiimka ah ee dadku ka soo dirayaan ama iyaga loo soo dirayo.Taas oo aynu ka helaygacan wayn hindiseheeddana uu lahaa isagu waa Axmed Cismaan Geelle’e,kaasi oo sida aynu wada xusuusanahayna aabbihiiCismaan Geelle ahaa ganacsade la wada yaqaano oo ka ganacsan jiray xilliggii ay xukuumaddii Siyaad Barre dalka ka talin jirtay ooxaaladduhu iska adkaayeen maalkooduna uu ahaa mid hoosta ka soo dhismay oo aan ku iman tuuggo iyo wax isdaba marin sida kuwan gacan ku rimiska ah ee kaligii taliye Ismaaciil Cumar iyo kan Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) ee "ku qabso ku qadi mayside”.



Haddaba aan u soo gonad-dago maqaalka iyo halka uu diiradda saaray maanta oo ah in waraaqdan loo soo dhiibay wasiir Saajin oo ah ka taajka reer Awdal saaran yahay ee uu Muuse u garbiyay Saylicisanadkii hore ugana riixay jagada guddoomiyaha labaad ee xisbiggakulmiye, ahna mid u dhago nugul.Halka reer Sool na uu kaalintaa ugu jiro Faratoon oo uu faray Muuse isna inuu is casilo Wasiirkii Arrimaha Dibadda shan bilood ka horiminka uu u raadinaya kursigga guddoomiyaha Wakiiladda ee somaliland oo iib ah. Inkastoo aanu wali Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) kuhelin iibkaas neefafka jiddaawigga ah ee wakiiladda oo marka uu dhowr isku geeyaba ay dhowr kale ka boodayaan xeradda, iyadoo wararkiiugu danbeeyay ay sheegayeen in Kulmiyihiii reer Awdal ay ku doodayaan in la siiyo guddoomiye ku xiggeen isna waa Muuse (Wax Ma Yaqaane) uuku gacan saydhay taa.Dhanka kalena uu faray xildhibaanaddii ka soo baxay Kulmiye ee barigga Burco in ay u coddeeyaan Faratoon, iyagoo si cad ugu sheegayinay u codayn doonaan Cabdirisaaq Khaliif iyo wixii danta deegaankooddu ku jirto.Taasi oo ku xusuusinaysa heestii Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganey) ee (FaalkiiCaashaqa) taasi oo ay ka mid ahaayeen tuducyadeeddii :


"farsamee dantaan idhi

fooq waliba iga dumay”

Walo faalkii caashaqu

Ma igu soo fadhi xun yahay”


Alleylehe Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) ayaafooq waliba ku dunsan yahay dhan kasta oo aad eegto Faalkii siyaasadduna ku soo fadhi xun yahay.kaasi ayaa madaxwayne Cigaal kolba go’ u soo hagoogan jiray. Ooka raadin jiray fursad siyaasadeed meel aanay kuba jirin. Allow magantaa ayaanu nahay.


Qalinkii ayaa haddana ila taraaray oo waan ka baxay mawduucii oo ahaa bal inaan meel ku hubsado halka ay abaarteeddu tahay waraaqdan loo soo dhiibay wasiir
Saajinkan iska guddaya gudcurka, kaasi oo aan garanayn halka shaxdu taalo iyo cidda ciyaaraysa.Haddii Saajin uu faray inuu qoro waraaqdaa iska waraabe taagga ah MuuseBiixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) Muusena laftiisana waxaa soo faray inuu shaxdan faashilka ah ciyaaro kaliggii taliye Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ay ku aroorayso shaxddani kasoo horjeedkaSomaliland oo noqonaysa mid isku filan dhaqaale ahaan, ka dibna u gudbi doonta dal madaxbanaan. Arrintan nacaybka Somaliland oo aanay qarsan amrnaba kaliggii taliye ismaaciil iyo adeerkiiXasan Guuleed Abtidoon, kaasi oo ahaa dhisihii ururka IGAD oo aakhirkiina uu isku soo horfadhiisiyay Mingiste iyo Siyaad Barre oo midna ka tanaasulay dhulkii soomali galbeedee lagu hoobtay sanadaddihii 1964 iyo 1977, 78kii, ka kalena waa Minigiste uu dibad yaal ka dhigay jabhaddihii SNM iyo SSDF.


Haddiiba ay kula tahay inay ka tanaasuleen labadan isku adeerka ahaaee kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Guuleed Abtidoon damacooddii ahaa in Somaliland dal la yidhaa oo Madax banaani garabkoodda ka dhismo waad khaldan tahay tanina waa tii oo mar kale soo noolatay. Waxaanu isha ku hayaa kaligii taliye Ismaaciil Cumar GeelleSomaliland Iyo Berbera oo iftiintay iyo jabuuti oo goraygu ka hadaafay, xamuulkii Ethiopia u mari jiray jabuuti oo u leexday intiisii badnayd berbera.Haddaba haddii shaxdda ismaaciil taa tahayoo ay ahayd mid ay daba socdeen jabhaddii SNM oo ay kuxidhanyd inay dhasho Somaliland madax banaan.Miyay kula tahay Jabuuti inay raali ka noqonayso Berbera oo ay is dhaafaan Baabuurta xamuulka ee u laba dhigaya Ethiopia? taasi waa calaacal timo ka soo baxeen ee ha ku riyoon.


Haddaba adeer waa cidiyo ku dagaalan kaliggii taliye Ismaaciil Cumar Geelle oo ma ogola in ay laanbadu ka bakhtidomagaaladda yaree jabuuti, mana ogolaanayo DPWorld oo ay fiintu dhex miranayso iyo Berbera oo maraakiibtu isdhaafayaanoo Ethiopia aynu habayno.Taasna waxa uu ka xiggaa dagaal dhan kasta ah, waana taa ta uu ula dagaalamayo Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprise, haddii ay akhriste adiga kaa daahan tahay oo aanad weli dhaadin sababata ka danbaysa jarta la dagayo.



Dhanka Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) waa ganbooyin xaalkiisu, waa "lax dhukani col iyo abaarba moog” barrihore ayuu sumeeyay kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle oo ma hadli karo xaalkiisuna waa car juuq dheh.Sakado idil oo
uu ka jeexday Jabuuti iyo khasnadda xatooyadda eeMuuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) iyo qoyskiisa caydha ah ee reer CabdiDameere waxa ay dhex qotontaa Jabuuti ayaa lagaa yidhi, inkastoo ay isaga falaadh laba dhinac ah ku tahay arrinku oo midiyahay kaa aan ka soo sheekeeyay ee xatooyaddii uu somaliland ka maroorsaday jabuuti dhex ceegaagta iyo dhanka kale passport jabuuti oo isaga laftiisa ay siisay xukuumadda jabuuti, ha ku dhasho ama yuu ku dhalane.Waa dhabar jab kale oo Muuse soo waajahayahaddii aanu yeelin sida kaliggii taliye Ismaaciil doonayo, haddaba arrinku waa wasiir Saajin oo iska ah gole ka fuul oo aan wax badan shaxdda ka ogayniyo Muuse iyo Ismaaciil oo dhinac ah oo leh labo ujeeddo oo kala duwan iyo ganacsadaha la mahadiyay ee Axmed Cismaan Geelleshirkaddiisa EthiopianShipping & Logistics Service,DP World iyo Ethiopia oo dhinac ah ku ladh dadka reer somaliland oo garabka saari doono dhinaca Axmed Cismaan Geelle, kaasi oo milaayiin doolar ganacsi iyo maalgashi u huray dalka yaree aan la aqoonsanayn ee somaliland laakiin uu u dhashay oo uu ka soo jeeddo.



Maqaalka iyo soo af-meerkiisa, Allow maxay xabaali nin haysaa madaxwayne Ciggaal ayaan maanta noolayn oo aanay ahayn maalintii uu sigaarka kaga gubay
Cabdiraxmaan Boorre xuduudda Somaliland iyo Jabuuti u dhaxaysa. Arrintaa kadib kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ku hanjabay inuu xuduudda xidhi doono muddo saddex bilood ah, halka madaxwayne Cigaal na uu sii kordhiyay oo uu ka dhigay lix billood.Ninkaas ayaa ahaa madaxwayne haybadiisa leh, kan Muuse Biixi Cabdi(Wax Ma Yaqaan ) ah waxaan ku sifayn karaa waa uun maahmaahdii odhanaysay "Meel aar ka kacay, atoor fadhfadhiisay” waxaanan ku leeyahay Muusow haddii aad ka baqatay shir jaraai’d yar oo Cabdikariim Axmed Moogge uu candhuuftaaddii dib kuu liq siiyay arrinka shirkadda Ethiopian Shipping And Logistics Service Enterprise na waa ka gundheer yahay. waxaana durba bilowday dagaal lagu badbaadinayo shirkadda iyo ganacsadde Axmed Cismaan Geelle oo u ah Somaliland (icon) ama ife kumana dhacdaan adiga iyo kaliggii taliye Geelle inay si dhib yar uga takhalustaan Axmed Cismaan Geellahan la mahadiyay ee maalgashi iyo shaqo abuurba u huray dalkiisa Somaliland.


Qore: Cabdi Jaamac

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...