Natiijada Kulan Toos Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

0
Thursday July 22, 2021 - 15:08:09 in News by
  • Visits: 4982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijada Kulan Toos Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

    Natiijada Kulan Toos Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Natiijada Kulan Toos Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Ganacsade Axmed Cismaan Geelle

Hargeysa(HWN):-Muuse Biixi ayaa kulan toos ah la yeeshay ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo mad madow soo kala dhexgalay.

Muuse Biixi oo la kulmay ganacsade Geelle iyo laba qodob oo lagu heshiiyey - Caasimada Online



kulanka oo qaatay wakhti ku dhaw laba saacadood ayaa laysku afgartay in ganacsade Axmed Geelle uu sii ahaado wakiilka somaliland u qaabilsan shirkada Ithiopian Shipping Line oo qoyska Muuse Biixi markii hore doonayeen inay xoog ku qaataan.

xildhibaan Maxamed Xuseen Jaamac Raamboo oo ka mid ahaa xubnaha ka odayeeyey madmadawga soo kala dhexgalay Muuse Biixi iyo ganacsade Geelle ayaa shaaciyey in khilaafkaas xal laga gaadhay, fariin uu baahiyey ayaana ku yidhi sidan:-

Maanta waxa qasriga madaxtooyada ku kulmay Madaxweyne MBC iyo guddoomiyaha Laas group ganacsade Axmed Cismaan Geele, waxaanay yeesheen kukan fool ka fool ah oo qaatay in ku dhow laba saacadood, waxaanay is faham buuxa ka gaadheen madmadowgii ka jiray wakiilnimada Ethiopian shipping line, waxaanay isla garteen in wakiilnimadii Axmed Cismaan Geele ay halkeedii ka sii socoto, waxaanay ku kala yimaadeen is afgarad buuxa iyo kulan guul ku dhammaaday.
Waxa mahadsan cid kasta oo isu soo dhawayntaas ka qayb qaadatay.

Loading...
Loading...