Dagaalka Ethiopia Yaanu Noqon Mid Godob Uga Taga Qoomiyadda Soomaalida …!!!
Gobolkani
ay soomaalidu ku nooshahay waxa ku nool qoomiyado kala duwan oo badan
oo ay dadka soomaalida ah isir ahaan isugu dhow yihiin deegaan ahaana ay
is yihiinba kuwaasi oo somalida u haya xushmad badan , taariikh
wanaagsan iyo gobanimo u dirir taariikhda ku xardhan .
Wallow
saameynta dadka soomaaliyeed ee siyaasada gobolku aanay aad u muuqan
gaar ahaan wadamada Ethiopia iyo Kenya oo labadaba la yaraystay marka
loo eego qoomiyadaha kale ee ay dalalkaasi la leeyihiin haddana shaki
kuma jiro in dadka soomaalidu yihiin dad fir-fircoon , maskax furan oo
saameyn badan ku leh siyaasada Africa iyo aduunkaba .
Waxa
la galay xili siyaasadii gobolkani ay u eeg tahay in ay u xuub siibatay
tartano iyo siyaasado ku fadhiya qoomiyado , waxa aan u arkaa in ay
tahay wax aan loo baahnayn arintani sababta oo ah dagaalada gobolka ka
socda iyo taariikhda qormaysaa waxa haboon in ay dalwalba gudihiisa ku
ekaato.
Waxa
ayaan daro ah iyo wax lala yaabo ah in ciidamada Somalia ay ka qayb
galaan dagaalka lagu qaaday gobolka Tigray oo la xaqiijiyey in askar
soomaaliyeed oo ay leeyihiin jamhuuriyada federalka Somalia ay ka qayb
galeen dagaalkaasi , arinkaasi oo ka dambeeyey is xulafaysigii sadex
geesoodka ahaa ee Ethiopia , Somalia iyo Erateria.
Sidoo
kale waxa jirta in dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia ay ciidamo u
dirtay deegaanada ay dagaaladu ka socdaan ee ay isku hayaan qoomiyadaha
amharada iyo Tigray ee Ethiopia iyaga oo u arka in dagaalkaasi yahay
dagaal dawlada Ethiopia iyo Tigray oo ay TPLF hogaaminayso in uu yahay.
labada
hogaamiye ee midna madaxweynaha ka yahay dawlada federalka Somalia
midna dawlad deegaanka soomaalida Ethiopia waxa ay iska dhigaan
madaxweynayaal hami iyo aragti fog oo soomaalinimo ku socda , haddaba
iyagu oo isku dhigayaa meeqaamkaasi ay sheegteen waxii ay godob kursiga
ku galaan waxa uu noqon doonaa mid iyaga kaligood u yaalla , ama inta ay
horjoogaan hadda ee aan u oolin umada soomaaliyeed ee weyn.
Aduunyadu
way soconaysaa taariikho ayaana qormaya , khalad iyo gef badheedh ah
ayey ahayd in waxii intii dawladii EPRDF ee ay TPLF hogaaminayeen
qaladaad iyo dhibaatooyin dhacay loo aaneeyo Tigray oo gaadhay in
qoomiyada tigray oo dhan dagaal lagu qaado sababta oo ah isirkooda ,
waana taariikh xumo aragti ku suntami doonta cidii falkaasi gashay.
Sidaasi
oo kale si aanay u dhicin taariikh xumadaasi ayaa waxa aan aaminsanahay
in aan umadda soomaaliyeed oo dhan aanay u noqon godob waxa dadka
soomaalida qaybo ka mid ahi geystaan iyaga oo ku socda danaha dalalkooda
iyo danaha xulafadooda .
Xiligani
mabay ahayn xiligii dagaal gobolkani u baahnaa iyo in uu kala noqdo
qoomiyado ee waxa ay ahayd goortii lagu fekeri lahaa dadka gobolkani ee
ay daashadeen dhibaatooyinka kala duwan ee dagaalada , gaajada , faqriga
, tahriibka , iyo dib u dhaca nololeed eek u habsaday nusqarnigii ka
dambeeyey intii Africa ku xuubsiibatay gumeysiga gobolkani ku sugnaa.
Waxa ay ahayd xili mudnaa in loo guuro aragti mideysa umadaha iyo qoomiyadaha gobolkani iyo dalalkoogaba oo u jiheysa xaga horumarka , wax wada qabsiga , iskaashiga lagaga gudbi lahaa dhibaatooyinkii hore u soo jiray ee ragaadka ka dhigay guud ahaan gobolkani .
"
Markaa sida aanan u jeclayn in dadka soomaaliyeed isirkooda , diintooda
, dalalkooda , aragtidooda siyaasadeed , iyo xuquuqahooga loogu
duudsiyin dadka ay yihiin ayaanan u jeclayn in dad kale oo gobolkani ama
gobolada kale ee aduunka ah aan loogu layn haybtooda ama waxa ay
aaminsan yihiin "
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!