Raysal Wasaare Rooble Oo Faray NISA Iyo Booliisku In Aysan Dad Safraya Horjoogsan Karin

0
Thursday July 22, 2021 - 09:46:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1611
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaare Rooble Oo Faray NISA Iyo Booliisku In Aysan Dad Safraya Horjoogsan Karin

    "Muwaadinka lagama celin karo airport-ka. Diyaaradna lagama celin karo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muwaadinka lagama celin karo airport-ka. Diyaaradna lagama celin karo"

Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee ka socday maamul goboleedyada dalka, wuxuuna ka dhagaystay warbixin ku saabsan wixii usoo qabsoomay muddadii ay joogeen magaalada Garbahaarey ee caasimadda gobolka Gedo.



Ra'siisulwasaare Rooble oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay Guddiga oo uu amaanay wixii usoo qabsoomay, isaga oo sheegay in soo jeedinta ay usoo gudbiyeen uu la wadaagi doona madaxweynaha maamulka Jubbaland.


Rooble ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in ay jiraan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad loo diiday in ay u dhoofaan gobolka Gedo, isaga oo ku amray hay'adda Nabad-sugidda ee NISA iyo ciidamada boolisku in aysan qofna ka celin karin halka ay u dhoofayaan.


"Waxaan farayaa hay’adaha amniga booliiska iyo NISA, warar badan baa isoo gaaraya oo ah in dad laga celiyay meelo kala duwan. Uma dulqaadan dooni, qofkii uu falkaasi ku soo baxana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadayaa," ayuu yiri Rooble oo aan sharrixin waxa ay noqonayaan tallaabooyinka laga qaadayo.


"Muwaadinka lagama celin karo airport-ka. Diyaaradna lagama celin karo ka baxaysa Muqdisho oo tagayso Garbahaarey. Diyaarad Garbahaarey ka baxaysa oo Kismaaya tageysana lama celin karo, iyo mid Kismaayo ka tageysa oo Xamar ama Garbahaarey u socoto," ayuu yiri. "Waa xaq Dastuuri ah cid is hortaagi kartana ma jirto."


Waxa kale oo uu sheegay in muwaadinku uu xaq u leeyahay in uu u safri karo meeshii uu doono, aysanna aheyn in xaqqiisa lagu xadgudbo. "Muwaadinka musharraxa ah wuxuu xaq u leeyahay in la dhowro xuquuqdiisa muwaadinimo iyo fikirkiisa, uuna magaalada uu doona ka safro, una sufro halkii uu rabo."

Loading...
Loading...