Taliyaha Militariga Itoobiya Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay

0
Wednesday July 21, 2021 - 16:47:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Militariga Itoobiya Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay

    "Waxaan socda tababarka iyo isku-dubaridka,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan socda tababarka iyo isku-dubaridka,"

Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula, ayaa beeniyay in xaaladiisa caafimaad ay xun tahay.


Taliyaha ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsan tahay islamarkana wararka sheegaya in uu xanuunsanayo ay yihiin kuwa ay fidiyeen xoogagga ay dagaalka kula jiraan.



Mr Jula, ayaa BBC u sheegay in sababta maalmihii u dambeeyay aah loogu arkin fagarayaasha ay tahay in uu aad u mashquulay.


Labadii toddobaad ee u dambeeyay waxaa baraha bulshada la isla dhexmarayay in taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Berhanu Jula, xaalad caafimaad ay aad u liidato oo halis ah uu ku sugan yahay.


"Boqolkiiba boqol xaaladeyda caafimaad way wanaagsan tahay," waxaa uu janaraalka sidaasi u sheegay BBC.


"Tani waa sidii ay jeclaan lahaayeen xoogagga nala dagaalamaya iyo saaxibadood, uma maleynayo in uu jiro qof iga xog-ogaalsan caafimaadkeyda.


Taliyaha ayaa intaa ku daray in uusan xitaa dareemeyn "madax-xanuun).


Ka dib markii uu muddo fagaarayaasha uu ka maqnaa ayaa janaraal Berhanu waxaa uu shalay la hadlay warbaahinta.


Waxaa uu farta ku fiiqay sababtii uu fagarayaasha uga maqnaa in ay ahayd mashquulka shaqada oo badnaa.


Taliyaha guud ee militariga Itoobiya ayaa dhanka kale sheegay in go'aankii looga soo baxay gobolka tigrey uu ahaa mid siyaasadeed.


"Waxaa Tigray iyo Mekele uga soo baxnay waxay ahayd go'aan siyaasadeed oo ay dowladda gaartay" ayuu yiri.


" Waxaan rumeysanahay in go'aankani ahaa mid sax ah, waxaana rumeysanahay in uu ahaa mid loo huray dadka Tigrey," ayuu intaa ku daray janaraal Berhanu.


janaraal Berhanu ayaa sidoo kale sheegay in bilooyiin ay dagaal ku jireen ka dib ay ciidamada nasanayaan oo ay dib u soo kabanayaan.


"Waxaan socda tababarka iyo isku-dubaridka," ayuu yir Janaraal Berhanu.


Taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya janaraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in haddii ay dagaalayahanada Tigrey sii wadaan dagaalka ay diyaar u yihin ayna militariga leeyihiin khibarad ka badan xoogagooda.


"Haddii arrimaha ay xoog ku sii socdaan ciidamada difaaca qaranka ayaa kuwooda ka xoog badan oo, ka khibrad badan, waxaan joognaa bilowgii dagaalka waxaana sugaynaa amarka dowladda" ayuu yiri janaraal Berhanu.


Dabayaaqadii bishii June ayay ahayd markii ay dowladda Itoobiya si lama filaan ah ugu dhawaaqday xabad joojin hal dhinac ahayd, waxayna halkaasi kala soo baxday ciidamadeedii ku sugna gobolka Tigrey.


Saraakiisha TPLF ayaa dhankooda shuruud ku xiray xabbad joojin ay la gaaraan dowladda dhexe ee toobiya.


Dowladda Itoobiya ayaa ku eedeeysay TPLF in ay ku duulayaan deegaano ka baxsan gobolka Tigrey sida gobolka Canfarta.


Dagaalka gobolka Tigrey waxaa ka dhashay barakac ballaaran.


Kumannaan qof oo ah dadka gobolkaasi ayaa u baahan gargaar degdeg ah sida ay sheegeen hay'adaha gargaarka ee caalamiga.


BBC

Loading...
Loading...