Mahdi Iyo Baashe oo dhigay qorshe ay ku qaadanayaan kursigii uu baneeyey ex Senator Mustafe Qodax.

0
Wednesday July 21, 2021 - 10:52:34 in News by
  • Visits: 2516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahdi Iyo Baashe oo dhigay qorshe ay ku qaadanayaan kursigii uu baneeyey ex Senator Mustafe Qodax.

    Mahdi Iyo Baashe oo dhigay qorshe ay ku qaadanayaan kursigii uu baneeyey ex Senator Mustafe Qodax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahdi Iyo Baashe oo dhigay qorshe ay ku qaadanayaan kursigii uu baneeyey ex Senator Mustafe Qodax.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa si wada jir ah u diyaariyey qorshe ay kula wareegayaan kursigii aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ee uu baneeyey ex senator Mustafe Maxamuud Qodax.


May be an image of 2 people


War rasmi ah oo naga soo gaadhay masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaaliya ayaa ii xaqiijiyey in raysal wasaare ku xigeen Mahdi iyo gudoomiye Baashe ay iska kaashanayaan sidii ay kursigaas u geyn lahaayeen masuul ay isku deegaan yihiin gudoomiyaha maxkamada sare kuwaas oo aan hore u lahayn xubin ku matasha aqalka sare ka dib markii ay ku guuldaraysteen tartan ay u galeen kursiga xubinimo ee gudoomiyaha aqalka sare ku fadhiyo, kaas markii loo tartamay uu ku guulaystay guulaystay Cabdi Xaashi.

Mahdi iyo Baashe oo isku qoys ah isla markaana habrawadaag ruma isku ah ayaa haatan ka shaqaynaya in xubin qurbaha ka yimid loo cumaamado kursigii Senator Mustafe Qodax baneeyey kuwas oo damacsan inay dhaafiyaan beelaha Arab oo kursigan oo kaliya ku leh aqalka sare halka raysal wasaare ku xigeenku indhaha ka lalinayo beeshiisa Garxajis oo haysata 4 kursi kuwaas oo uu uga jari karo midka uu la raadinayo beesha gudoomiyaha maxkamada sare.

Loading...
Loading...