Baroortu Calanka Ka Weyn

0
Wednesday July 21, 2021 - 09:29:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Baroortu Calanka Ka Weyn

    Written by M J Farah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Written by M J Farah

Maalinba mawduuc cusub oo jadiida ayaa la ina hordhigayaa si aynu iskaga hornimaadno,balse sirmaqabe Allah u sahana.


Waxaynu nahay dalyar oo ka mida dunida muslinka ah,waxaynu xornimadeedna ka qaadaney gumeystayaashii reer yurub 26 June 1960



Waxaynu la midowney walaalaheen Somalida Konfureed 1 July 1960 kii.

Waxa aynu soo maraney marxalado kala duwan halgan hubeysan cadaadis xasuuq,haybsooc aan ka dhicin dhamaan jaarkeena.


Waa layskunkeen hubeeyey,reer reer baa la inoo qaybiyey balse 18 May 1991 ayaa Allah SCW waafajiyey Waxgaradkeenii siyaasiinteenii iyo Odayadeenii geesiyasha ahaa ee dhamaan reer Somaliland Jidka toosan ee walaalnimada iyo isa saamaxaha beelihii walaalaha ahaa ee reer Somaliland ee laysku direy waxaa la yagleelay oo dib loo unkey qaranimadii Somaliland. Taasi waa tan keentey in Caruurteenu ka nabadgasho dhibaatada ka taagan 30 kaa sanadood dalkii aynu midowney ee Somaliya.


Gobolada Somaliland way balaadheen,nabadu way xoogeysatey,Jamicadaha,dugsiyada sare,kuwa hoose intuba waxay ka furan yihiin gobol kast oo Somaliland ah.Siyaasadu way kobacdey dorashadu waa nin iyo raganimadiisa qabiil waa laga gudbey.


Hadii siyaasiin wanaagsan oo daacad ah oo reer kaydoonan ha ahaadeene karti iyo halgan la yimaadaan dadkana way kasban karaan.


Tusaale waxaa kugu filan Barkhad iyo codkuu helay waxaan qabaa ninkasta oo reer Somaliland ah oo xitaa madaxweyne isku soo taagaa oo dadka ka gadmi karaa in uu dadka reer Somaliland diyaar u yihiin iney doortaan iyaga oo reer u eegin shacabka reer Somaliland waxa ay kala doorteen Siilaanyo iyo daahir Riyaale, Barkhad bay soo saareen, Shuuriye ayaa ka horeeyey.


Somaliland dadkeedu waa dadkaa gobka ah Somaliya meel laga helayo ma jirto taasbana Allah ku Ilaalinayaa.


Intaasi waa guud mar.Balse waxaa jira dagaal dhinacyo badan leh oo lagu hayo horumarka iyo jiritaanka Somaliland ma aha mid qarsoon waa mid muuqata cid walina wey og tahay oo wax garaneysa.


Dooda Calanka ee inagu Cusub

Sida aynu la wada socono Calanku kuma cusba caalamka taariikh dheerna wuu lee yahay waana astaan qaran ma jiro dal xora oo caalamka ka jira oo aan lahayn calan u gaara oo uu kaga duwan yahay dalalka kale


a. Saudigu waa dal Muslima waana xarunta Islaamka iyo Dhulkii barakeysnaa Calan buu leeyahay u gaara intaas oo Jamicado islami ah baa ku taala intaas oo mufti ayaa Jooga,waa meeshii uu Islaamku dunida ugaga soogudbey culimadeenu waxbarashada iyo aqoon kororsiga u tagaan ayaa ka hadla calanka sacuudiga


b. Masar Waa dal Islama waxaa ku taala jaamicada Islaamka ugu facaweyn intaas oo Mufti ayaa jooga Calan buu masar lee yahay weli maan maqal cid dureysa calanka masar oo leh diintu ma ogola in calan la yeesho.


c. Baakistaan,Tukriga,Afkaanistaan,Maleeshiya iyo dhamaan dalalka Muslinka ah ee cilmiga islaamka inaga aqoonta badan culimada waaweyn leh calano ayey lee yihiin waa loo istaaga heesbaa loo qaadaa kan Somaliland ee waliba Tawxiidkii Allah swt ku xardhan yahay miyaanu ka mudneyn calamo badan oo dalal islamihi lee yihiin oo aan Allah lagu xusin .


d. Dadka reer Somaliland ma aha dad cawaano ah Maro caabuda balse waa dad Allah swt rumeysan Keligiina caabuda balse Calankan tooxiidka leh waa maro muujineysa in ay astaan u tahay qaranimada dalkan Somaliland ee islamka ah waxaa aynu lee nahay oo calankayagu markaati ka yahay in aanu nahay dad Islaama oo Allah iyo rasuulkiisa Rumeysan.


e. Arinta in laga doodo u baahani ma aha Calankan Tawxiidku ku xardhan yahay ee waa kan buluuga ah ee xidigta cad ee shanta gees leh kaas baa u baahan in wax layska weydiiyo culimooy.


Hadal iyo dhamaantii

Baroortu Calanka Ka Weyn Ee Waa Iska Horkeenka Dadka Iyo Dawlada Somaliland Waana Qaab Ka Mida Xeeladaha Kuwa Aan Arki Karin Calankan Tawxiidka Ku Suntan Iyo Somaliland Oo Qaran Ah Astaan Qaran Oo Calanku Kow Ka Yahayna Leh. Sidaa Darteed Waxaa Aynu Ku Weydiineynaa Bal Caalamka Noo Sheeg Qaran Jira Oo Aan Calan Lahayn Gaalo Iyo Islaam.


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...