Jimciyatul Axbaab Oo Hambalyo u dirtay Bulshada Munaasibada Ciidul Adxa 1442 (Hijiriyada) Awgeed

0
Wednesday July 21, 2021 - 09:19:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jimciyatul Axbaab Oo Hambalyo u dirtay Bulshada Munaasibada Ciidul Adxa 1442 (Hijiriyada) Awgeed

    War-Saxaafadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War-Saxaafadeed


Jimciyada horumarinta bulshada ee dhinacyada Waxbarashada Diinta iyo Maadiga ah, Caafimaadka iyo Qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab) waxa ay hambalyo iyo bogaadin balaadhan u diraysaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaan-ba ummadda Islaamka ahi meel kasta oo ay Caalamka ka joogaanba, Munaasibada Ciidul Adxa 1442 (Hijiriyada) Awgeed, Ciid Mubaarak, Ciidal Caafiya, Kullu Caam, Wa Antum,Bil Khayr.



Waxaanan Illaahay uga baryeynaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka, Sanadkiisa ay bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad qab ku gaadhaan, Inta xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeynaa in uu xanuunka ka dulqaado, Caafimaadna siiyo, intii dhimatayna Alle u danbi dhaafo una naxariisto.


Jimciyatul Axbaab waxa ay sidoo kale bulshada reer Somaliland usoo-jeedineysaa inay Alla-baryaan oo Ilaahay isku xidhaan, oo ka ducaystaan xanuunadan sida daran u faafaaya ee dhamaan-ba dunidii dhibaatada baahsan ku haya, isla markaasina ay ducada iyo Alla Bariga badiyaan, oo joogteeyaan. Jimciyatul Axbaab sidoo kale waxa ay bulshada Somaliland ilaahay uga baryeysaa in ilaahay quluubtooda mideeyo, Xanuunada, Sixir bararka iyo dhamaan dhibaatooyinka bulsho ee ay ka cabanayaana alle si degdega uga dulqaado.


Jimciyatul Axbaab Sayid waxa ay sidoo kale bulshada Somaliland ku adkeyneysaa inay isku tashadaab oo ay midoobaan isla markaasina meel uga soo wada jeestaan adkaynta iyo ilaalinta nabadgalyada iyo waxkasta oo wiiqaya midnimada Qaran-nimada Somaliland,


Gabagabadii waxay Jimciyatul Axbaab usoo jeedinaysaa Xukuumada Somaliland iyo guud ahaan Shacabka reer Somaliland, inay kala qayb-qaataan mashaariic horumarineed oo dhinaca waxbarashada iyo caafimaadka ah oo ay Jimciyadu ka wado qaybo kamida deegaanada dalka oo ay ka jirto baahiyo balaadhan oo bulshada deegaanadaasi u qabto in laga kaalmeeyo, kuwaasi oo si iskaa wax-u-qabso ah ay bulshada deeganadan iyo Jimciyatul Axbaab u bilaabeen, hadeerna meel fiican maraaya una baahan in Xukuumada iyo shacaba lagala qayb-qaato.


Alla Mahad leh

Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...