Heesta Qaranka (National Anthem)

0
Wednesday July 21, 2021 - 09:13:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Heesta Qaranka (National Anthem)

    W/Q/Rashiid Odawaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q/Rashiid Odawaa

 

Heesta Qaranka (National Anthem) waxay noqotaa Hees ama Musicka tarjuma dhaqankii waddankaasi lahaan jiray ama Xusuuso taariikho murugo iyo farxadba leh oo dalku uu soo maray,sidaas darted ay tahay in loo saro kaco ,la salaamo,ama loo qiiroodo,sababtu sidaas loo yeelayaa waxay tahay in hadba da’da soo kacaysa lagu ababiyo waddaniyad jacayl Si haddiiba ay dhacdo in waddanka cadow soo weeraro uu qofku hubka u qaatto oo u dagaalamo difaaca dalkiisa.waana wax waddamada Adduunku ka simanyihiin qoloba qaabka ay doonto ha u maamuusto e



Markii ugu horraysay waxa isticmaalay Boqortooyadii Ingriiska ooheestaas halku –dhigeedu wuxu ahaa "Ilaahayow Boqorka ama boqoradda noo nabad geli” heestaas waxa la hirgeliyay 1619kii,waxa intaas ka dib la qaattay waddamadii barwaaqo sooranka(Comonweath) waddan kastaaba Hab maamuuskiisa ama (Protocool) u gaar ah ha U maamuloba e,ka dib waxa ka daba qaattay Dib u curashadii Kacaankii Faransiiska 1830kii, sidaas ayay ku soo gaadhay Waddamada Asia iyo bariga dhexeba,


Heestan qaranka Labadii dale e Somalia la isku odhan jiray waxa curiyay Yusuf Xaaji Aadan Qabille 1947kii,waxa la odhan jiray "Soomaaliyeey Tooso”Heestaasi waxay ahayd mid ku saabsan shanta Somalia iyo sida Gunmaystuhu u qaybiyay.iyo addoonsigii Somalidu soo martay ama imikaba qaar ka mid ahi ay ku jiraan addoonsi waa kuwan tuducyo ka mid ahi.


"Somaliyee Toosoo

Toosoo isku tiirsada oo

Hadba kiinna tag daraney

Taageera waligiiney

Hadba waxan la tahaayoo

Togaga uga qayshaayoo

Nin dalkiisi Cadow taboo

U Tol waayay baan ahayoo

Marba waxan la ooyayaa

Ilmadu iiga qubanaysaa

Ikhtiyaar nin loo diidoo

La addoonsadaan ahaye”


waxa xusid mudan in sanadihii 1993 kii lagu casuumay shirkii kooxaha Somalida uga socday Ethiopia,ka dibna waxa la saaray heestan markii heestu dhamaatay ayuu M.i.Cigaal sara kacay wuxu u sharxay Somalida wixi dhib kala gaadhay Somalia wuxu ku soo gaba gabeyay Heestaas macaan halkii ay na damqi jirtay annagu(Somaliland ) waan ka bogsannay ee walalayaal idinkuna gaarkiina wax u dhsita annagana taayada noo daaya.


Heesta Qaranka Somaliland waxay la kowsatay markii ay ku dhawaaqday Gooni isu taagga ee ay la soo noqotay Madax banaanideeda.heesta Qaranka Somaliland ee Cusub waa "Samo Ku waar”waxa curiyay Xasan Sh.Muumin iyadu way ka duwantahay Heestaas hore waxayna tilmaamaysaa in Xorriyadii luntay dib loo soo helay oo waliba lagu bixiyay Naf iyo maal iyo halgan dheer sidaas darted waxay tilmaamaysaa inay tahay in aan dib loogu noqon halkii markii hore la soo maray.


"Samo Ku waar Samo ku waar

Sarreeye Calankan sudhan biley dhuikiisa

Samo ku waar iyo Bogaadin sugan

Hambalyo suubban ku salaannee

Samo ku waar.

Geesiyaashii Naftooda u sadqeeyay

Qaranimada Somaliland .

Xuskooda dhowrsan kugu salaannay

Samo ku waar

Guulside Xambaarsan soo noqoshadiis

Soo noqoshadiisa

Kalsooniduu mutay dastuurka

Samo ku waar samo ku waar”


Guud ahaan waxan ku soo go gabayn lahaa Qofku waa inuu ixtiraamaa calankiisa waayo haddii uu qofku leeyahay Waxaa iyo waxaas ayaan ku diidanahay inuu soo bandhigo oo laga dhegaystaa waa muhiim laakiin waxan soo jeedin lahaa qofku inuu Calankiisa ixtiraamo waa arrin muhiim.


Rashiid Odawaa

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...