Xukuumada Somaliland Oo Fariin Adag U Dirtay Ururada Bulshada Rayidka Ah

0
Tuesday July 20, 2021 - 20:09:05 in News by
  • Visits: 2149
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Fariin Adag U Dirtay Ururada Bulshada Rayidka Ah

    Xukuumada Somaliland Oo Fariin Adag U Dirtay Ururada Bulshada Rayidka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Fariin Adag U Dirtay Ururada Bulshada Rayidka Ah

Hargeysa(HWN):-Xukuumada Somaliland ayaa fariin adag u dirtay ururada bulshada ee aan dawliga ahayn.


war ka soo baxay wasaarada qorshaynta Somaliland ayaa lagu sheegay in ururo loo aqoonsanayo inaanay jirin iyo qaar kale oo lagu amray inay dib isku diwaan geliyaan, warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradaasi ayaana u dhignaa sidan:-

Waajibaadka Qaran ee ay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranku u xil saran tahay waxaa kamida Diwaan gelinta,Kala-xadaynta,La talinta, Horumarinta Ururadda maxaliga ah ee an dawliga ahayn(NGOs) iyo inay soo saarto Diwaan sax ah oo sheegaya tirada Ururadda sida sharciga ah hawl gal iyo Mashaariic uga fulin kara Dalka.

Sidaa darteed Wasaaraddu iyadoo raacaysa Xeerarka,Sharciyada iyo Habraacyadda u dejisan Maamulida NGOs-ka dalka,Waxay faraynaa dhamaan Ururadda Maxaliga ee aan dawliga ahayn.

1. In urur kasta oo diwaan gelin ugu dambaysay ssanadkii 2016- kii iyo wixii ka horeeyey aanu ahayn urur jira sharci ahaan,sidaas darteedna ay Wasaaraddu liiska ka saarayso,loona aqoonsado urur baaba’ay.

2. In urur kasta oo ay diwaan gelin ugu dambaysay wixii ka dambeeyey sanadkii 2017-kii uu haysto laga bilaabo 25/07/2021 ilaa 25/08/2021 in uu dib isugu diwaan geliyo.

Ururka aan dib isugu diwaan gelin mudadaas bisha ah Wasaaraddu waxay u aqoon sanaysaa urur aan jirin oo baaba’ay,waana laga saarayaa liiska Ururadda la aqoon sanyahay.

Haddaba mudo laba bilood ah gudahood Wasaaraddu waxay soo saari doontaa liiska rasmiga ah ee Ururadda maxaliga ee aan dawliga ahayn,kaas oo sifo sharci ah ku shaqayn doona kana mid noqon doona Dalladaha aan dawliga ahayn.

May be an image of text


Loading...
Loading...