Dhib La Sheegay Inay Iska Rogooyinku Ku Hayaan Magaalada Hargaysa

0
Tuesday July 20, 2021 - 18:25:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhib La Sheegay Inay Iska Rogooyinku Ku Hayaan Magaalada Hargaysa

    "haddana waanu u digaynaa, oo waxaanu leenahay raalli kama nihin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"haddana waanu u digaynaa, oo waxaanu leenahay raalli kama nihin"

Hargeysa (HWN) – Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa ka hadlay cabasho ka soo yeedhay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Caasimadda Hargeysa ee u dhaw dooxa, kuwaas oo cabasho ka muujiyey dirawallada wada gaadiidka Iskaragooyinka.



Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey arintan ayaa tilmaamay inay hore u xidheen dad watay iskarogooyin, haddana ay arintan wax ka qabanayaan, waxaanu yidhi "Cabashadan wax baanu Dawlad ahaan ka qaban doonaa, horena waxaanu xidhnay Iskaroogooyin ciid ka gurayey Dooxa, marar badana waanu u dignay, haddana waanu u digaynaa, oo waxaanu leenahay raalli kama nihin in ciid laga qaado meelaha dooxa ee aanu uga digaynay iskaroogooyinka iyo cid kastaba, waxaynu u baahan nahay inaynu dadkeena badbaadino, balse uma baahnin in dadka daadka loo baneeya, cid dambe aanu ku qabanana sharciga ayaanu la tiigsanaynaa”.

Loading...
Loading...