Midowga Musharaxiinta Oo Shaki Geliyey Doorashooyinka Dalka

0
Tuesday July 20, 2021 - 09:23:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midowga Musharaxiinta Oo Shaki Geliyey Doorashooyinka Dalka

    "qiimeyn dhab ah loogu sameeyo xaaladda dalka guud ahaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"qiimeyn dhab ah loogu sameeyo xaaladda dalka guud ahaan"

Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa shaki ka muujiyey in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta waqtigii loo asteeyey ay ka dhici karto dalka.

 

Walaacan ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed uu golaha soo saaray kadib kulan uu shalay ku yeeshay magaalada Muqdisho si "qiimeyn dhab ah loogu sameeyo xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaanna hab-socodka doorashooyinkii loo ballansanaa.”

 

Golaha ayaa soo bandhigay shan qodob oo ay sheegeen inay muujinayaan in doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda aanay dalka ka qabsoomi karin, kuwaas oo kala ah:

 

1- Maareyn la’aanta ismari-waaga ka jira habraaca doorashada Xildhibaanada ka soo jeeda Soomaliland, taasoo abuurtey in laba guddi-doorasho sameysmaan.

 

2- Xaaladda gobolka Gedo oo weli aan xal dhinacyada wada qanciya aan la gaarin.

 

3- Waxaa sidoo kale aan weli xal loo helin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka taagan Gobolka Hiiran ee deegaanka Hirshabeelle, si loo hubiyo inay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

 

4- In aan weli dhaqaalihii doorashada meel la saarin, waqtigii doorashadana la taagan yahay.

 

5- U-diyaargarowgii doorashada xubnaha Aqalka Sare oo aad u hooseeya, taasoo shaki gelinaysa in jadwalka doorashada lagu socdo.

 

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay in aaminsan yihiin, in haddii aan xal deg-deg ah loo helin caqabadaha kor ku xusan, ay dib-u-dhac ku keeni karto habsami-u-qabsoomida doorsho hufan oo loo wada dhan yahay.

 

Waxay ugu baaqeen Xukuumada iyo Madaxda Dawlad-goboleedyada in ay si deg-deg ah wax uga qabtaan caqabadaha hadda taagan, kana tabaabusheystaan kuwa iman kara, si dalka looga hirgeliyo doorasho xor iyo xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda.

 

Goluhu ayaa sidoo kale sheegay inuu ka welwelsan yahay "faragelinta uu Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu weli ku hayo”habsami u socodka doorashooyinka dalka.


Loading...
Loading...