Nin Dumarka 60 Jirka Ah Si Khiyaano Ah U Dhaca Oo La Qabtay

0
Tuesday July 20, 2021 - 09:15:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Dumarka 60 Jirka Ah Si Khiyaano Ah U Dhaca Oo La Qabtay

    "Ninka eedeysanaha ah ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ninka eedeysanaha ah ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska"

Taliska ciidamada dambi baadhista ee Kenya ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen nin "ku takhasusay" dhaca haweenka howlgabka ah ee dowladda ka hela lacagta, gaar ahaan kuwa kaligood ah ee u nugul waxyeellada.



Wycliffe Amakobe Omunga, ayaa la sheegay inuu si gaar ah u bartilmaameedsan jiray dumarka iskaabulada ah ee sugaya lacagta howlgabnimada.


Xeeladda uu adeegsan jiray ayaa ahayd inuu jacayl ku abuuro isagoo siinaya waxyaabo ay jecel yihiin, una ballan qaado inuu nolosha la wadaagi doono marka ay howlgabka noqdaan.


Marka uu soo xero galiyo kaddib, haweenka uu khiyaanay wuxuu u sheegaa inuu lacagtooda ugu abuurayo ganacsi, isagoo markaasna la baxsada guud ahaan lacagtii u keydsanayd.


Marka uu sidaas sameeyo waxaa bannaanka kusoo dhaca dumarkii oo qalbi jabsan hantidoodii oo idilna sidaas ku waayay.


Mid ka mid ah dumarka dhibbaneyaasha ah ayuu ninkan ka qaatay lacagtii ay howlgabnimada ku heshay oo tiradeedu ahayd Sh780,050.


Haweeneydaas wuxuu ku khiyaanay jacayl been ah oo uu ku abuuray, kaddibna wuxuu ka dhaadhiciyay inuu u sameeyo warshad biyaha daweysan soo saarta.


Iyadoo aan ka war qabin khiyaanada uu damacsan yahay ayay haweeneydaas gacanta u galisay lacagteeda, kaddibna waxay billowday inay walwasho.


Arrintii ku billaabatay jacayl macaan iyo ballan qaad guur ayaa kusoo gabagabowday oohin, sida ay sheegtay waaxda Dambi Baadhista Kenya.


Dadaal ay u sameysay inay ku hesho ninka ay jeclaatay ayay ku guul darraysatay kaddib markii uu ka dansaday telefoonnadii oo idil.


Goor dambe ayay u suuragashay inay ninkii hesho, laakiin wuxuu u sheegay in ganacsigii ay kala wareegtay shirkad caymis ah kaddib markii uu bixin waayay deyn uusan qiimaheeda cayimin.


Ninka eedeysanaha ah ayaa hadda ku xiran saldhigga booliska waxaana la filayaa inuu maxkamad kasoo hor muuqdo isagoo loo heysto dabiyo ku saabsan inuu lacago ku qaatay qaab sharci daro ah.


Booliska ku howlan baadhitaanka dambiyada ninkan ayaa ka codsaday dadka kale ee dhibaneyaasha ah inay lasoo xiriiraan, lana soo wadaagaan macluumaadka ku aaddan qaabka uu u dhacay.


Dhacdadan ayaa kusoo adday xilli isbucyadii lasoo dhaafay waddanka dariska la ah Kenya ee Soomaaliya laga hadal hayay nin qaab khiyaano ah ku dhici jiray gabdhaha.


Cabdifitaax Cali Cumar, ayaa maxkamaddii dacwaddiisa qaadaysay ka qirtay inuu dhac u gaystay 30 gabdhood, laakiin booliska Soomaaliya ayaa sheegay inuu telefoonno ka qaatay in ka badan 60 gabdhood.


Si la mid ah Wycliff, Cabdifataax qudhiisa wuxuu gabdhaha qaar kusoo xero galiyay arrimo haasaawe iyo xiriir jacayl. Xeeladdaas ayaa la oran karaa waa mid ay ka siman yihiin labada nin ee ugu dambeyn la xiray.


Waxaa kale oo aad loola yaabay in ninkan uu qirtay inuu fikradda dhaca gabdhaha ka helay filim Hindi ah oo uu daawaday kaddibna uu ku camal falay.


Xeer ilaalinta Soomaaliya ee dacwada ku soo oogtay Cabdifitaax ayaa sidoo kale ku eedeysay inuu Al-Shabaab la shaqeeyay.


Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ku xukuntay ciqaab toban sano oo xabsi ciidan ah


BBC

Loading...
Loading...