Qorshaha berri(Maalinta Carafa)

0
Monday July 19, 2021 - 13:25:22 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha berri(Maalinta Carafa)

    Haddaba ka warrama haddii aynu qorshe kooban oo aynu maalintan wayn kaga faa'idaynayno.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba ka warrama haddii aynu qorshe kooban oo aynu maalintan wayn kaga faa'idaynayno.



Berri oo Isniin ah waa maalin wayn, waa maalintii carafa ee maalmaha ka tilmaannayd. Waa maalin ka mid ah bilaha xurmada leh, waa maalin ka mid ah tobankii maalmood ee Ilaahay ku dhaartay, waa maalintii Ilaahay diintan dhammaystiray, waa maalin soonkeeda lagu dhaafayo laba sano danbigood, waa maalinta ugu badan ee Ilaahay addoomihiisa naar ka xoreeyo.

Haddaba ka warrama haddii aynu qorshe kooban oo aynu maalintan wayn kaga faa’idaynayno. In aad jaaniska iyo kanshada kusoo marta ka faa’idaysaa waa mid ka mid sifooyinka guusha, dadka guulaystaana waa kuwa fursadda aan dayicin adduun iyo aakhiraba.

1. Caawa hore u seexo si aad cibaadada awood ugu heshid, ugu danbayn 10pm istuur (Geeska Afrika tusaale ahaan).

2. Saacadda ku buuxso saacad kahor salaadda subax, (3:30am ex Hrg), tuko dhawr rakcadood oo salaatu layl ah, hal rakcad oo witir ahna kusoo xidh.

3. Suxuuro oo soon niyayso.

4. Salaadda subax Masjidka ku tuko, ragga gaar haan, habluhuna guriga.

5. Kobtaa aad ku tukatay muddo saacad ah iskaga digri inta cadceeddu soo baxayso, kaddibna laba rakcadood tuko si aad u hesho ajarka Cimro dhammaystiran.

6. Salaadaha faralka ah ee maalintaas gaadh ka hay oo yaanay kaa dayacmin.

7. Hawlahaaga ku foof adiga oo maalintaada daqiiqad kasta ku buuxinaya xuska Ilaahay (Xuska ugu qaalisan maalintani waa Laa Ilaaha Illalaahu waxdahu laa shariika lah, lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kulli shay’in qadiir), Qur’aan aad akhrido, salaad iyo sadaqo wixii jaanisku kuu saamaxo.

8. Casar kaddib wixii loo gaadho usoo gacan bax duco oo gacmaha kor u taag, Ilaahay waydiiso wax kasta oo laabtaada ku jira adduun iyo aakhiro, haka daalin ee ku celceli inta qorraxdu ka dhacayso. Nafta, ehelka, asxaabta, dalka Iyo Islaamkaba ducada ku dar.

9. Afur oo xuska Ilaahay carrabkaagu haka qoyanaado.



Qore:- Xamse Cumar kujoog

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...