Qiso Ku Saabsan Imaamu Shaafici

0
Monday July 19, 2021 - 13:13:38 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso Ku Saabsan Imaamu Shaafici

    fiirsanaysay waxa uu sameeyo Imaamu shaafici, subaxii ayay Aabaheed u timi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

fiirsanaysay waxa uu sameeyo Imaamu shaafici, subaxii ayay Aabaheed u timi



Imaamu shaafici ayaahabeen marti u noqday Imaam Axmed Inbu Xambal oo ardayda Imaamu Shaafici ka mid ahaa, gabar uu dhalay Axmed Ibnu Xambal ayaa habeenkii oo dhan soo jeeday oo islahayd bal ogow Imaamu shaafici waxaa uu caawa sameeyo, waxayna rabtay inay qaab nololeedkiisa wax ka ogaato, si ay ugu dayato, una hesho sababta ay dadka oo dhami u hadal hayaan, Aabaheed Axmed iyo dadka kaleba waxay ka maqli jirtay iyaga oo leh: Imaamu shaafici ayaa saa yiri!

Gabartaasi habeenkii may seexan waxayna u

fiirsanaysay waxa uu sameeyo Imaamu shaafici, subaxii ayay Aabaheed u timi oo ku tiri Aabow ninkan saddex wax oo layaab leh ayaan ku arkay, markaas ayuu yiri maxay yihiin, waxay tiri :

1. Xalay cuntadii muu soo hanbayn oo wuu laastay, dabcan dadkii hore saas dhaqan uma ahayn, qofka martida ahna cuntada qayb ayuu soo hanbayn jiray si loo garto in uu dhergay, qofka martida ahna hadduu cuntada laasto ceeb ayay ku ahaan jirtay cidda marti loo yahay sababta oo ah waxaa laga dheehan jiray in uusan qofkaasi dhergin.

2. Xalay wax Salaatu layl ah muu tukan, dadkii wanaagsanaa ee horena kamay tagi jirin inay habeenkii cibaadaystaan.

3. Saaka Salaadii subax uma uusan waysaysan siduu iskaga hurday ayuu kacay horayna ka galay Salaaddii subax.

Axmed ibnu xanbal ayaa inta uu soo aaday xagii Imaamu Shaafici waydiiyey saddexdan arimood.

Waxa uu kaga jawaabay Imaamu shaafici sida tan :

1. Tan ugu horeysa, cuntada aan laastay waa tii Axmed ibnu Xanbal, mid ka xalaalsanna ma-ogi sidaa awgeed waan ka saad iyo sahay qaadanyey cuntadaas xalaasha ah.

2. Tan labaad, xalay oo dhan waxa aan ka fekerayey oo ku soo jeeday daraasaynta Xadiis kamid ah Axaadiistii Nebiga oo aan faa’idooyin iyo fiqi kala dhex baxayey waqtina umaan helin Salaatu layl, cilmiga ayaana ka fadli badan salaadda sunnaha ah.

3. Tan saddexaad xalayba maan seexan oo waysadii cishe ayaan Salaaddii subax ku tukaday.

Qisadani waxay ku tusaysaa sida dadkii cilmiga meesha sare ka gaaray ay ugu soo jeedi jireen.

Buugga : ARDAYGA GUULAYSTAY.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...