Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" Laba Nin Oo Isku ADEER Ah (Qaybtii 7aad)

0
Monday May 13, 2019 - 09:37:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Cabdi Shide "Tuur" iyo C/raxmaan Maxamuud Caydiid "Soltelco" Laba Nin Oo Isku ADEER Ah (Qaybtii 7aad)

    Sheekadani waxay muujinaysaa bulshad hadii Miisaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekadani waxay muujinaysaa bulshad hadii Miisaanka

wax lagu qiyaasi lahaa ka lumo waxaa iskugu mid noqda Madowga iyo Cadaanka Samaha iyo Xumaha ….

Xiligii khalaafada Cusmaaniyiinta galabkeedu sii dhacaayay ee suldanada fadhigeedu ahaa Isanbuul waxa magaalada Baqdaad ukala danbeeyay labo Maayir oo laga soo magacaabay Istanbuul



Maayirka hore wuxuu xilka hayay 10 sano iyo dheeraad cashuur badan ayuu qaadi jiray xafiisayada oo dhan laaluush ayaa lagaga dhaqmi jiray DAN GUUD wax layidhaa ma jirin , si walba wey u dayacnayd magaaladu BALSE Maayirka dadweynaha magaaladu RAALI BUUXDA ayay ka ahaayeen waayo wuxu ahaa maayir ka qaybgala Aroosyadooda iyo tacsiyaha iyo waliba casuumadaha ay samaystaan Sunne iyo Shiico iyo Ciidaha iyo Jimcayaasha kula tukada maajidka weyn ee ay rabaan iyagu waxa dheeraa dharka carbeed uu xidhan jiray isagoo asalkiisu yahay Turki. ..... sidaasay ku jeclaayeen


Maayirka danbe wuxuu ahaa nin u arkaayay in magaalada la hormariyo in ay ka mudantahay raaligalinta dadyawga degan Baqdaad xilka wuxuu hayay 3 sano keliya


Wuxuu jeexay jidadka ugu waaweyn ee ilaa imika Baqdad intifaacsato, Beeraha iyo Jirdiimooyinka lagu nasto ee danta guud , Jeexida wadada tareenka , Dhisida rugta bugaagta , Samayta madbacdii ugu horaysay iyo joornaalkii ugu horeeyay ee yeelato ciraaq , Samayn Baarkino fardaha iyo gaadhi dameerka oo berigaa gaadiid ahaa ,amaanka magaalada oo uu sugay, Iyo weliba dhalinyartii magaalada oo uu shaqo qaran oo ciidan ah u diray ……


Ugu danbayntii maayirkii 3 sano ku muujiyay waxqabadka balaadhan waxa ku dhacay KACDOON waxgaradka iyo shacabka reer Baqdaad ku diidan yihiin maadaama aanu ka qayb galin Dabaaldagyadooda iyo Casuumadaha odayaasha dhaqanka iyo ganacsatadu u fidiyaan MAAYIRKII HALKII AYAA LAGU BEDALAY!


Dadku waxay raaceen muuqaalka dusha ee u muuqday LAAKIIN labada masuul waxaa dhaqankii diinteena Islamku ina fartay u dhawaa ninka ilaahay kaga baqay magaalo Boqolaal sano aan waxba laga qaban 3 gudohuud dantii guud hagaajiyay

Muj: Maxamuud Cabdi Shide AHN dhaqan umuu lahayn raali-galinta JAMHUURKA siday isaga la tahay ayuu yeeli jiray "meelaha guusha horseeda”


Maayir : Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Waxaa ku badan ka qayb galka DABAALDAGYADA iyo soo dhawaynta Wufuuda timaada "Ma Xuma” Waxaa aad iyo aad uga muhiimsan in magaaladan wax laga qabto HARGEYSI maanta waxay noqotay "ISKURARAN” aan cidi dan ka lahayn !!!

Wixii Faahfaahina La Soco …

Alle Ayay Mahad Isugnaatay

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...