Dunida_miyaa_isbedeshay?

0
Monday July 19, 2021 - 13:03:36 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dunida_miyaa_isbedeshay?

    Gabadh saxafiyad ah ayaa weydiisay haweeney da' ah: Sidee bay ku suuragashay in 65 sanadood reerkiinu dhisnaado?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabadh saxafiyad ah ayaa weydiisay haweeney da' ah: Sidee bay ku suuragashay in 65 sanadood reerkiinu dhisnaado?

 




Gabadh saxafiyad ah ayaa weydiisay haweeney da' ah:
Sidee bay ku suuragashay in 65 sanadood reerkiinu dhisnaado?
Haweeneydii ayaa ku jawaabtay:
Annagu waxaan ahaan jirnay dad, hadii wax ka jabo ay hagaajiyaan oo aysan tuurin! Wallee dunidan way isbedeshay...
Waxaan haysanaa buugaag badan balse aqoonteenii baa aad u yar.
Waxaan haysanaa isbitaalo badan balse bukaanaddii baa aad u badan.
Waxaan haysanaa beero aad u badan balse gaajadii baa aad u badan.
Waxaan haysanaa shirkado badan balse shaqo la'aantii baa aad u badan.
Waxaa sii badanaya aroosyadii balse furiinkii baa ka sii badan.
Waxaan haysanaa jaamacado badan balse jahliga ayaa ka sii badan.
Waxaa jira maxkamado badan balse cadaaladii baa aad u yar.
Waxaan haysanaa barkimo aad u badan balse hurdadii baa yaraatay.
Waxaa jira dawooyin aad u badan balse caafimaadkii baa yar.
Waxaan haysanaa maktabado(Libraries) balse cid wax akhrisa baa aad u yar.
Waxaa aad u sii badan janaasooyinka balse cid ku cibroqaadato ayaaba yar.
Waxaan leenahay qaraabo badan balse cid xiriirisa ayaaba yar
Waxaa aad u badan haasaawaha balse jacaylkii baa yaraaday.
Waxaan haysanaa saacado badan balse cid ka faa'idaysata ayaaba yar.
*حديث الصباح أدهم شرقاوي.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...