Saylici Iyo Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Ka Biyo Diiday Qorshaha KULMIYE Ee Shir Guddoonka Golaha Wakiillada

0
Monday July 19, 2021 - 12:26:55 in News by
  • Visits: 3774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saylici Iyo Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Ka Biyo Diiday Qorshaha KULMIYE Ee Shir Guddoonka Golaha Wakiillada

    Saylici Iyo Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Ka Biyo Diiday Qorshaha KULMIYE Ee Shir Guddoonka Golaha Wakiillada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saylici Iyo Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Ka Biyo Diiday Qorshaha KULMIYE Ee Shir Guddoonka Golaha Wakiillada

Wararka laga helayo  ilo rasmi ah, ayaa tibaaxay in Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici uu ka biyo diiday xubnaha Musharraxinta shir guddoonka Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE u xulay,iyadoomeesha laga saaray in lagu darro Xildhibaannada reer Awdal ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay,isla markaana laga doorbiday Xildhibaano ka soo baxay UCID oo aanay qaarkood hal Xildhibaan ka wadda beelahooda.




 

Hase-yeeshee, sida xoggaha lagu sheegayMadaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici,ayaa wararku sheegeen inuu si cad ugu biyo diiday shaxda Musharraxiinta KULMIYE ee shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo uu arko in aanay wax dan ahi ugu jir Gobolka Awdal,isla markaana cid gaar ah loogu danaynayo.


Dhanka Kalena Xoggaha ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo hor dhac ahi oo gooni-gooni ah u bilaabmeen siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka reer Awdal iyo qaar kamid ah Xildhibaannada Gobolkaas.Ma jiro Warar amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay dhinacyada la sheegay in kullamadu dhex mareen.


Waxa kaloo, Wararku intaa ku dareen in kullamada dhinacyadani yeeshen qaarkood dhaceen shalay ila Xalay, halka qaar kale-na xuseen in xidhiidhada reer Awdal ee la xidhiidha arrintani ay soo taxnaa, tan iyo markii ay xubna u cadaatay in Qasriga Madaxtooyaddu go’aansaday in xubnaha xisbiga KULMIYE u xulayo Musharraxiinta shir guddoonka Golaha Wakiilada in aan lagu darin reer Awdal.


Inkastoo sida xogguhuu ka dhawaajiyeen uu hadda bilow yahay dhaq-dhaqaaqyada indho-indheynta ah ee reer Awdal ay ku sahan-sanayaan Jabadkey u digo-rogan lahaayeen iyo halkii ay ku jirto danta degaankooda iyo danta Qaranka ee ay marin lahayeen codka Xildhibaannadooda oo middaysan.


Si kastaba aha ahaatee oodi jiidis iyo qaadis waa isla guri geyn’e, waxa arrimuhuu kala cadaan doonaanmaal-maha soo socda, waxaana la oggaan doonna halka ay maraan aqlabiyada Xildhibaannada Reer Awdal



Loading...
Loading...