Muuse Biixi Hab-Qabyaaladeed U Kaxaystay Xildhibaanno Beeshiisa Ka Soo Jeeda Oo Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaridka Ah
Hargeysa(HWN):-Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ayaa ka hadlay Xildhibaano u tegay Xisbiga KULMIYE,kuwaas oo ka soo baxay Xisbiga UCID,waxaanay Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu qabyaalad ugu gacan haadiyey, isla markaana uu Xildhibaannadii beeshiisa ee ka soo baxay Xisbigaas uu dhammaan ka xaystay.
Afhayeenka Xisbiga UCIDoo arrintaa ka hadlay ayaa sheegay sidan :"markii Madaxweynuhu uu isticmaalay qabyaalad oo uu ku khasbay xubnihii reerkooda ee ka soo baxay UCIDinay KULMIYE u coddeeyaan ,iyadoo arrintaas ay dimuqraadiyadda iyo xeerarka xisbiyadda iyo kuwa Qaranka ka soo horjeedo .”
Waxa uu intaas ku sii daray in tirada Xildhibaannadu ay yiihiin Sagaal "Xildhibaanada Xisbigu heshiis ayuu la galay inay Xisbiga ay ka soo baxaan daacad u noqdaan ,Xildhibaannadu waa sagaal u tegay KULMIYE "
Dhanka kalene Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyigelinta Xisbiga WADDANI Cabdilaahi Jaamac Geel-jire ayaa sina arrintaas ka hadlay waxaanu sheegay in afar Xildhibaan oo Madaxweyne Biixi ku xarro geliyey qabyaalad ,halka midna ay lamid yahay kuwaas ,waxaanu yidhi " Qolooyinkaa Xisbiyadda ka cararay ayaa sii kale jaad ah ,afar xubnood waa Madaxweynaha Beeshiiska ka soo jeeda waxay ku jiraan barmaamij la yidhaah marada igu qabtaama maharada ha iga ridina oo macnaheedu yahay Madaxweynihii ayaad isku beel tihiina codka hala tegina,maalintii natiijada doorashada lagu dhawaaqay iyaga diba uma aanu arragtallona kama ay soo qayb-gelin waxay iska xaadiriyeen,halkaas , Xildhibaan kalena waxa loo tiranayaan afartaa marada igu qabtada, xubnaha kale waxa ku jira laba xubnood oo damac lehoo shir guddoonka inay ka mid noqdaan doonnaya Cabdinaasir iyo Xildhibaan Giirreiyo laba Xildhibaan oo kale waa sagaal xubnood .”ayuu yidhi.
Geesta kale, masuuliyiinta ayaa sheegay inay ay haystaan aqlabiyada,isla markaana ay diyaar u yihiin tartanka shir guddoonka haddii berri la yidhaah aanu jirin wax ka dhul yaal ee ay haystaan aqlabiyad xooggan.