Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Ku Baaqday In La Sii Daayo Dad Loo Xidhay Calanka Soomaaliya

0
Monday July 19, 2021 - 12:10:38 in News by
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Ku Baaqday In La Sii Daayo Dad Loo Xidhay Calanka Soomaaliya

    Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Ku Baaqday In La Sii Daayo Dad Loo Xidhay Calanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Ku Baaqday In La Sii Daayo Dad Loo Xidhay Calanka Soomaaliya


Xarunta xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa ka codsatay xukuumadda Somaliland inay sii deyso 42 qof oo 26-kii bishii Juun lagu xidhay magaalada Boorama xilli ay siteen calanka Soomaaliya.

Dadkan, ayaa ku xidhan laba xabsi oo ku kala yaalla magaalooyinka Gabiley iyo Boorama, sida ay sheegtay xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland.




Xarunta, ayaa intaas ku daray in sida uu dhigayo dastuurka Somaliland, dadka la xidhaa ay xaq u leeyihiin in muddo 48 saacadood gudahood la horgeeyo maxkamad.


Sidaa waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal insaanka Somaliland oo ay ku saxeexan tahay Guddoomiyaha xaruntaasi Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud.

"Dadkaasi waxay ku kala xidhan yihiin Boorama iyo Gabiley, ilaa hadana wax maxkamad ah lama hor geyn, wax danbi ah oo lagu soo oo gayna majiro. Dadka xidhan 7 kamid ahi waxay ku xidhan yihiin Boorama, halka ay 35 kale na ku xidhan yihiin Gabiley,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland.

"Sida ku cad Qodobka 25 (2) ee dastuurka Somaliland Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn. Sharcigu waxa uu mabnuucayaa in qofka loo xidho sifo aan sharci ahayn, lana hayo in ka badan 48 saacadood sida ku cad Qodobka 27 (2) ee Dastuurka.”

Qoraalka, ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamada is hortaageen xubno ka tirsan Xarunta Xuquuqul Insaanka oo iyagu rabay inay booqdaan xabsiga Gabiley, si ay ugu kuur-galaan xaalada Gabdho ugu xidhnaa xabsigaas calanka Soomaaliya.

Waxay ku eedeysay xukuumadda Somaliland inay sifo sharci darro ah ay xabsiyada ugu hayso 42 qof ee loo haysto kiiska la xidhiidha calanka Soomaaliya, islamarkaana ay ka hor-istaagtay inay booqdaan ehelkoodu.

"Xaruntu waxay la kulantay oo waraysi siiyay qaar kamid ah eheladii dadku ka xidhanyihiin, kuwaas oo xarunta uga waramay inaan loo ogalayn inay dadka ka xidhan booqdaan. Qodobka 27 (1) waxa uu jideeyay "qofka xoriyadisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay sida ugu dhakhsaha badanleh inuu ula kulmo eheladiisa” Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah.”

"Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta. Qodobka 32 (1) waxa u damaanad qaadayaa in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah amaba qaabkale.”

Ugu dambeyntiina waxay Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ka dalbatay xukuumadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u sii dayso dadkaasi u xidhanka calanka Soomaaliya oo ay sheegtay in sifo sharci darro ah loo haysto, islamarkaana ay dowladda ixtiraamto dastuurka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhamaystiran

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda ugu baaqaysaa inay sii dayso dadka sifaha aan sharciga ahayn uxidhan.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay dowladda Somaliland ugu baaqaysaa inay sii dayso 42 qof ee u xidhan calanka Somaliya, kuwaas oo la laga soo xidhay Boorama, 26 June 2021.

Dadkaasi waxay ku kala xidhan yihiin Boorama iyo Gabiley, ilaa hadana wax maxkamad ah lama hor geyn, wax danbi ah oo lagu soo oo gayna majiro.

Dadka xidhan 7 kamid ahi waxay ku xidhan yihiin Boorama, hal ka ay 35 kale na ku xidhan yihiin Gabiley.

Sida ku cad Qodobka 25 (2) "ee dastuurka Somaliland " Qofna xoriyadiisa loogama qaadi karo si aan sharcigu bahayn”.

Sharcigu waxa uu mabnuucaya in qofka loo xidho sifo aan sharci ahayn, lana hayo in ka badan 48 saacadood sida ku cad Qodobka 27 (2) ee Datuurka.

13 Julay 2021, waxay Xarunta Xuquuqal Insaanku booqatay xabsiga Gabilay, oo ay ku xidhan yihiin 35 hablood oo Boorama laga soo xidhay, si ay ugu kuurgasho xaaladooda, waana laga horjoogsatay xarunta booqashadaas.

Xaruntu waxay la kulantay oo waraysi siiyay qaar ka mida eheladii dad ku ka xidhanyihiin, kuwaas oo xarunta uga waramay inaan loo ogalayn inay dadka ka xidhan booqdaan.

Qodobka 27 (1) waxa uu jideeyay "qofka xoriyadisa laga qaaday inuu xaq u leeyahay sida ugu dhaqsaha badanleh inuu ula kulmo eheladisa”

Dhamaan dadka xidhani waxay wajahayaan xadhig sharci daro ah. Dowladu waxay ku xad gudubtay mabaadiida dastuuriga ah ee damaanad qaadaya xoriyaad ka aasaasiga ah ee muwadiniinta. Qodobka 32 (1)” waxa u damaanad qaadayaa in qofku xaq u leeyahay inuu rayiga ku cabiri karo hab qoraala, hadal ah amaba qaabkale.”

Ugu danbayn Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysa dowladda Somaliland inay sida ugu dhaqsaha badan usii dayso dhamaan dadka xidhan, isla markana ixtiraamto dastuurka dalka.

Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa, Somaliland


Loading...
Loading...