"TPFL waa "Cancer" ay tahay in laga ciribtiro geeska Afrika! Waxaan amarnay dagaal ka dhan ah!...raysal wasaare Abiy Ahmed

0
Monday July 19, 2021 - 12:04:34 in News by
  • Visits: 1462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "TPFL waa "Cancer" ay tahay in laga ciribtiro geeska Afrika! Waxaan amarnay dagaal ka dhan ah!...raysal wasaare Abiy Ahmed

    "TPFL waa "Cancer" ay tahay in laga ciribtiro geeska Afrika! Waxaan amarnay dagaal ka dhan ah!...raysal wasaare Abiy Ahmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"TPFL waa "Cancer" ay tahay in laga ciribtiro geeska Afrika! Waxaan amarnay dagaal ka dhan ah!...raysal wasaare Abiy Ahmed


Hargeysa(HWN):-Abiy Axmed, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa qoraal uu goor dhaw shaaciyey xaafiiskiisa ku sheegay in dawladdiisu ka shaqaynayso sidii xididdada loogu siibi lahaa kooxda TPLF, oo uu ku eedeeyey in ay yihiin Kansar (Cancer) ay tahay in laga cidhibtiro geeska Afrika, wuxuuna sheegay in ay qaadayaan howl-gal culus.

Next week's election will be peaceful, says Ethiopia PM Abiy Ahmed | Al Arabiya English


Abiy Axmed, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in dowladdiisu ka shaqaynayso sidii ay xididdada ugu siibi lahayd dagaalyahanada TPLF, oo uu sheegay in ay yihiin"Kansar ay tahay in laga cidhib tiro geeska Afrika”.

Qoraalka uu baahiyay Xafiiska Wasiirka 1aad ee Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay qaadayaan howlgal culus.

"TPLF Xididdada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaantayo waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn”ayuu yidhi Abiy Axmed.

Abiy ayaa sheegay in ay dhageysteen hadallada uga imanaya kuwa uu ku sifeeyey in aanay aqoonin TPLF, balse ay hadda garowsadeen cidda ay tahay TPLF oo ay dareemayaan in wixii ay ka shaqeynayeen aanay dhankoodaba ka hirgali karin, sida ku xusan qoraalka xafiiska Abiy Ahmed.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo hore ugu guulaystay Billadda Nabadda ayaa sheegay in jiidaha hore ee dagaalka loo daadgureeyay kumaan askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka Itoobiya ENDF, isagoo sheegay in ay taasi ka dhigan tahay diyaar garowgii kooxahan lagula dagaalami lahaa, isagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan amni & Horumar dhaqaale oo ay gaadho Itoobiya.

"Wiilashayada (askarta) ka kala Yimid afarta jiho ee Dalka waxay u jihayseteen sidii ay meesha uga saari lahaayeen Argagixisada TPLF”ayuu yidhi.

"Kooxdaan argagixisada ah waxa ay halis ku yihiin midnimada dalka iyo isbadalka yar ee la dareemay si ay u burburiyaan waxay isticmaaleen waddo kasta oo ay adeegsan karaan gacmahana ka laaban mayno hadda kadib”

"Ciidanka Difaaca qaranka iyo ciidamada maamulada dalku waxay qaadayaan talaabooyinkooda dastuuriga ah waxayna qabanayaan Goobihii ay xaqa u lahaayeen loona asteeyay taasoo ay iman karto carqalado lagu han jabinayo waanse tusaynaa Saaxiibadeen iyo Cadawgeenaba muddo dhaw Natiijada hawl galka sarraynta sharciga”

Hadalka Abiy Axmed, ayaa ku soo beegmaya iyada oo kooxda TPLF, ay sheegtay in ay maxaabiis ahaan u hayso kumanaan ka tirsan ciidanka Milatariga Itoobiya ayna sii daysay kun ka mid ah ookale balse la maxkamadayn doono saraakiisha hogaaminaysa.

Kooxda TPLF ayaa maalmihii la soo dhaafay horumar ballaadhan ka samaysay dagaalka iyada oo wacad ku martay in aanay joojin doonin dagaalka inta taako ka mid ah ismaamulka Tigrey ay joogaan ciidanka difaaca Itoobiya.


Loading...
Loading...