SHaraxii la tumay-Shekaa ka dambaysay! (Erayga Sharaxii la tuma waa Ciyaartii la tumay)

0
Monday July 19, 2021 - 10:26:13 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1524
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHaraxii la tumay-Shekaa ka dambaysay! (Erayga Sharaxii la tuma waa Ciyaartii la tumay)

    W/Q: Danjire Abdi M.Saleiman(Mingiste)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Danjire Abdi M.Saleiman(Mingiste)


19 July 2021

Riwaayad aan filayo in la laga dhigay Soomaaliya xilligii u dhexeeyey 1980 ilaa 1990,ayaa la odhan jiray magaca "Sharaxii la tumay -sheekaa ka dambaysay.Riwaayada waxaa dhigay koox la odhan jiray "Kooxda maaweeliska Banaadir iyo Kooxda Iftiin oo xilliyadaa aad loo yaqaanay,waxaa filayaa in fikirka Riwaayadaa uu lahaa "Cali Bin Cali iyo Ragg kale oo reer Banaadir ahaa.



Riwaayadu runtii waxay xambaarsanayd macne iyo xigmad aad u weyn,una qoto dheer,laakiin dadka badankiisu iyo xataa Xukuumadii xilligaa Soomaaliya ka jirtay aad umay fahmin xigmada ku duugnayd Riwaayadaas. Xikmada ugu weyn ee Riwaayadaasi ku jirtay amasa ay ka hadlaysay waxay ahayd, "sidii loo soo dhoweeyey loogu dabaal degan Kacaankii 21 Okt 1969 Soomaaliya ka dhashay ,iyo sidii uu ku dambeeyey markii dambe,amase xaaladu isu bedeshay”


31 May 2021 waxaa Somaliland ka dhacday Doorasho isku sidkan oo ah tii Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada.Runtii aad iyo aad ayaaloo majeertay amase loo jeclaaday sidii quruxda badaneyn ee ay inoogu qabsoontay. Guud ahaan bulshada reer Somalilandna waxay amaan iyo duco dusha ka huwiyeen Guddigga Doorashooyinka ,Xukuumada iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay sidii Doorashadaasi u dhacday.Cidii guulaysatay iyo kii guul daraystayba waa dhamaatay,wixii ka soo baxayna waa laysugu hambalyeeyey mucaarid iyo mucaafidba.


Ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 19 July 2021,lama fadhiisin Golihii Wakiilada ee cusbaa ee la soo doortay,lamana dooran Shir Gudoonkii Golaha Wakiilada ,maalin kastana waxaa soo baxa warar ka duwan farxadii iyo damaashiidkii u dhacay Doorashadu 31 May.


Wararka soo baxayaa waxay xambaarsan yihiin ceebo,musuq,laaluush,iyo wax isdaba marin aad u weyn,waxaasina waxay dilayaan sharaftii Doorashadii 31 May.


Hadal iyo dhamaan,haddii aan aqoon u leeyahay sida Riwaayadaha loo sameeyo amase loo alifo,waxaan samayn lahaa Riwaayad cusub oo aan u bixin lahaa "DOORASHII DHACDAY –DOQONIIMAA KA DAMBAYSAY…… AMASE "DOORSHADII WANAAGSANAYD ….DILAALIS BAY KU DAMBAYSAY”


ALLAA MAHAD. LEH

Danjire Abdi M.Saleiman(Mingiste)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...