Sanaag: Gobolka Khayraadka Iyo Quruxda Ee Jamhuuriyadda Somaliland
Ibrahim Hassan Gagale
Dal kasta waxa uu leeyahay gobol laf-Dhabar u ah taariikhda
sooyaalkiisa, khayraadka dhulkiisa, quruxdiisa, wanaagga cimiladiisa,
iyo degsiimadiisa. Gobolka Sanaag waa gobol ku sifooba arrimahaas oo
dhan iyo kuwa kaleba. Degmooyinka Gobolka Sanaag waxay kala yihiin
Ceerigaabo, Gar'adag, Laas-qoray, Ceel-Afweyn, Dhahar iyo Badhan.
Gobolka Sanaag waxaa uu gobollada kale ee dalka Somalilnad kaga
duwanyahay arrimaha soo socda:-
1. Waa gobolka ay ka soo askuntay ummadda Somaliland isla markaana
ay ku duuganyihiin awoowayaashii ay ka soo farcantay (The Cradle of
Somaliland People and the Region of The Tombs of their Ancestral
Forefathers).
2. Waa gobolka ugu weyn Dalka Somaliland oo qiimoweyn u leh ummadda
Somalilad xagga taariikhda, nolosha, khayraadka iyo degsiimadaba.
3. Waa gobol qani ku ah Xoolaha, daaqa xoolahq, beeraha, kallumaysiga, dal-xiiska, beeyada, macdanta iwm.
4. Waa gobol aad u qurux-badan xagga muuqaalka dhulka iyadoo isku
darsatay buuro dhaadheer oo cagaaran, xeebo aad u degan oo qurxoon,
Kaymo, banaano, taagag, togag iyo dooxooyin.
5. Waa gobol cimiladiisu aad u wanaagsan tahay oo xillikasta lagu noolaankaro.
BUURAHA SURAD IYO DAALO
Gobolka Sanaag waxaa ku taalla buurta ugu dheer Somaliland oo
magaceeda la yidhaado Surad (8,070 feet ayay ka saraysaa badda). Waxaa
kale oo ku taal buurta Daalo oo ugu qurux-badan dhulka Jamhuuriyadda
Somaliland taas oo leh laagag dhaadheer oo aad daruuraha iyo xeebta hoos
u eegeyso. Waxay Buurta Daalo hodon ku tahay boqolaal dhir oo kala jaad
ah oo aan wadanka intiisa kale laga helin, gaar ahaan dhirta dhaadheer
ee dayibka oo qoriga dhismaha iyo looxaanta laga sameeyo. Waxaa kale oo
ay leedahay kaymo isku dhafan, dhir kala jaad ah, waxayna bixiyaan ur
aad u udgoon marka la dhexmarayo. Buurta Calmadow iyaduna waa buur dheer
oo aad u qurux-badan kuna wanaagsan beeraha, xoolaha, daaqa xoolaha,
macdanta, dal-xiiska iwm. Waxay leedahay dhir iyo geedo kala duwan oo
qurux-badan.
Buurta Daalo waxaa kale oo ay aad ugu fiicantahay dal-xiiska oo
haddii hudheelo laga dhiso soo jiidanaysa dal-xiisayaal badan oo ka
yimaada dacallada dunida. Labada buurood iyo dhulka Sanaag intiisa badan
waxay hodon ku yihiin ciid aad tayadeedu u sarayso oo ay wax waliba ka
bixikaraan iyo ilo iyo durduro biyo ah oo waraabiya. Waxaa lagu
beerikaraa khudradda nooc kasta iyo xataa shaaha, iyo dalagyada kale ee
beeraha.
Gobolka Sanaag waxaa uu noqondoonaa gobol degiddiisa ummadda
Somaliland u tartanto mustaqbalka, quruxda iyo khayraadkiisa faraha
badan ee Eebbe ku manaystay awgeed. Waxaa uu noqondoonaa gobol si weyn
caan ugu ah horumarinta xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, ganacsiga,
macdanta, dal-xiiska iwm. Waxaa kale oo gobolku aad ugu wanaagsanyahay
beeridda midhaha sida farsuga, mishmishka, rumaanka, karaska, tiinka,
saytuunka, tufaaxa, iyo noocyada Cinabka. Waxaa kale oo gobolka ka
bixikara cuntada nooc kasta oo kale. Buuraha Gobolka Sanaag waxay caan
ku yihiin dhirta maydiga, beeyada, xabbagta iwm. Xeebaha quruxda badan
ee Gobolka Sanaag waxaa ku yaal dekedo iyo tuulooyin aad uga da’ weyn
magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ugu caansan yihiin dekedaha
Laas Qoray, Maydh, Xiis iwm. Gobolka Sanaag waxaa uu noqonayaa degaanka
ugu weyn ee ummadda Somaliland ku samata-baxdo mustaqbalka xagga
degsiimada marka dadku bato iyo horumarka noloshaba.
FAA’IIDOOYINKA JIDKA BURCO-CEERIGAABO (Jidka Siilaanyo)
Wadooyinku waa kaabayaasha dhaqaalaha dal ugu muhiimsan waxayna
leeyihiin faa’iidooyin badan oo aan la koobikarin. Jidka cusub ee
Burco-Ceerigaabo (500km) waxa uu Gobolka Sanaag iyo dalkaba u leeyahay
faa’iidooyinka kala ah:
- Wadooyinku waxay isku xidhaan dalka waxayna meesha ka saaraan
kala qoqobnaanta iyo isku-gudub la’aanta. Jidka Ceerigaabo waxaa uu
meesha ka saaraaya kala-qoqobnaantii iyo isku-gudub la’aantii uu Gobolka
Sanaag kaga jiray dalka intiisa kale.
- Wadooyinku waxay fududeeyaan is-dhexgalka iyo isku-socodka
bulshada. Jidka Ceerigaabo waxa uu ka qaadanayaa qaybweyn fududaynta iyo
sahlidda is-dhexgalka iyo isku-socodka bulshada Somaliland.
- Wadooyinku waxay sahlaan gaadhsiinta dalagyada meelkasta oo dal
ka tirsan. Jidka Ceerigaabo waxa uu sahlayaa in wax-soosaarka Gobolka
Sanaag (Dalag beereed) uu gaadhikaro meelkasta oo ka tirsan Jamhuriyadda
Somaliland iyo in dalagyada gobollada kale ee dalku si fudud u gaadhaan
gobolka Sanaag.
- Wadooyinku waxay fududeeyaan maalgashiga iyo ganacsiga dal.
Jidka Ceerigaabo waxa uu maalqabeenada Somaliland u fududaynayaa inay si
weyn u maalgashadaan Gobolka Sanaag siiba xagga ganacsiga, beeraha,
kallumaysiga, dal-xiiska iwm, arrimahaas oo Gobolka Sanaag aad qani ugu
yahay.
- Wadooyinku waxay qaybweyn ka qaataan dhaqdhaqaaqa dadka iyo
dalagyada, waxayna dadka ka saaraan go’doonka iyo saboolnimada maadaama
ay ku dhiirigelinayso in wax-soosaarka dal la gaadhsiinkaro meelkasta oo
la doono. Jidka Ceerigaabo waxaa uu dadka ku nool Gobolka Sanaag ku
dhiirigelinayaa inay labalaabaan wax-sooraka beeraha iyo dhaqashada
xoolaha oo gobolku qani ku yahay maadaadama ay xoolahooda iyo
dalagyadooda si fudud u gaadhsiinkarayaan dalka intiisa kale taas oo
keenaysa in dad badan oo gobolka ka tirsan ka baxaan saboolnimada.
- Wadooyinkku waxay fududeeyaan in horumarka dhaqaalaha dal uu uu wada gaadho dalka. Jidka Ceerigabo waxa uu gobolka Sanaag u fududaynayaa inay ka qaybgalaan horumarka dhaqaalaha dalka iyo daryeelka iyo horumarinta bulshada gobolkaas oo ay qaybweyn ka helaan Mashaariicda Horumarinta, daryeelka caafimaadka, horumarinta waxbarashada, sancada casriga ah iwm.
- Wadooyinku waxay fududeeyaan in si degdeg ah loogu gurmankaro
meelkasta oo dal ka tirsan marka dhibaato la soo gudboonaato. Jidka
Ceerigaabo waxaa uu sahlayaa in Gobolka Sanaag deg deg loogu gurmankaro
haddii ay haleesho masiibooyinka dabiiciga ah sida duufaanta, daadadka,
cudurada faafa iwm.
- Wadooyinka waxay qayb libaax ka qaataan difaaca dal si marka dhibaato dagaal la soo gudboonaato deg deg loogu gurmado loona difaaco gobolka. Jidka Ceerigaabo waxaa aad u sahlayaa in gobolkaas dedeg loogu gurmado hadii cadowaga Somaliland u soo hanqal-taago ama soo weeraro si uu u waxyeeleeyo ama u kala dhantaalo qaranimada iyo dhulka Jamhuuriyadda Somaliland. Baaxadda iyo qiimaha gobolka Sanaag awgeed waxaa lama huraan ah in laga sameeyo saldhigyo ciidan oo difaac ah.
Jidka Siilanyo ee Burco-Ceerigaabo waa halbowlaha isku xidha dalka,
horumarka, iyo difaaca dalka. Gobolka Sanaag waa nafta iyo laf-dhabarka
Somaliland waayo waa gobolka ugu weyn Somaliland xagga baaxadda dhulka,
ugu khayraad badan, ummadda Somalilandna baahitiridoona xagga
degsiimada iyo xagga noloshaba marka dadka bato mustaqbalka. SIDAAS
DARAADEED, GOBOLKA SANAAG WAA JAWHARADDA DALKA SOMALILAND.
Waxaa xukuumadda iyo ummadda Somaliland lagula talinayaa in Jidka
Siilaanyo ee Burco-Ceerigaabo si weyn oo dhaxal-gal ah loo dhiso isla
markaana loo jeesto horumarka Gobolka Sanaag. Waxaa maalqabeenada
Somaliland lagu dhiirigelinayaa in Gobolka Sanaag ay ku sameeyaan
maalgashi weyn siiba beeraha, kalluunka, beeyada, xoolaha, dal-xiiska
iwm. Dhismaha jidkan waa guulweyn oo ummadda Somaliland u soo hoyatay
guud ahaan iyo Gobolka Sanaag gaar ahaan. JIDKA Siilanyo ee
Burco-Ceerigaabo waa jidka isku-xidhka, horumarka iyo difaaca dalka.
Ibrahim Hassan Gagale
July 18, 2021
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...