Soonka-Malinta Carafo

0
Monday July 19, 2021 - 10:12:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soonka-Malinta Carafo

    Waxaa Qoray: Abdinour S.Arab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Qoray: Abdinour S.Arab

Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah (SW) ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, waa maalin uu rasuulkeena Muxamad(NNKH) umada islaamka faray inay soomaan mar la waydiiyay uu yidhi (soonka maalinta carafo waxaa loo dhaafaa dambiyadii sandkii hore iyo sanadka soo socda)



Maalinta carafo waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Allaah (SW) ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafo la taaganyahay aayado muslimiinta ugu bishaareynaya in diintoodii loo dhamaystiray.


Maalinta carafo waa maalinka ugu badan ee uu Allah(SW) naarta dadka ka xoreeyo rabina adoomadiisa ugu dhow yahay, Nabi Mohamed Scw wuxu yidhi ( ma jirto maalin ka badan inuu Allah adoomadaha ka xoreeyo naarta maalinta carafo ahayn). Insha Allah bari oo ah maalintii 9aad ee bisha Dul-Xijjah (carafo) ayaa ah maalin aad u weyn fadligeeda.


Maanta waa maalinta ay Xujeeyda ay u diyaar garoobayaan inay istaagaan buurta Carafa, tasoo ka mid ah tiirarka uu Xajka ka kooban yahay kan ugu weyn, oo la’aantiisu uusan ansax noqonaynin xajka, sida uu Nabigeena Muxammad (NNKH) uu u yiriba: (Xajku waa Carafa), taasoo loola jeedo istaagga buurta Carafa.


Ugu dambayntiina waxan eebaha awoodiisu sarayso ka ka baryayaa in uu naga mid dhigo aniga iyo dadka walaalahayga ah ee muslimiinta ah kuwa ka faaiidaysta maalinkaas ee loo dambi dhaafo .


Waxaa Qoray: Abdinour S.Arab

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...