Xisbiyada Mucaaradku Ma Ka Faa'iidsan Karaan Xildhibaanada Reer Awdal Ee KULMIYE Quudhsaday

0
Monday July 19, 2021 - 10:00:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaradku Ma Ka Faa'iidsan Karaan Xildhibaanada Reer Awdal Ee KULMIYE Quudhsaday

    Gol-jilicda Xisbiga KULMIYE Ee Mucaaridku Ka Faa'idaysan Karo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gol-jilicda Xisbiga KULMIYE Ee Mucaaridku Ka Faa'idaysan Karo

Hargeysa (HWN) – Loolanka ay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xisbiga Muxaafidka ahi ugu jiraan Hanashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa weji cusub galay.


Tirada Xildhibaannada UCID ee isbahaysiga la samaystay KULMIYE, ayaa tirada uu xilligan loolanka ku galayo KULMIYE ka dhigaysa 39 Mudane, halka Isbahaysiga Mucaaradkuna haystaan 43, laakiin Dadka siyaasadda fallan-qeeya ayaa qaarkood waxay farta ku fiiqayaan inay jirto Gal-daloolo uu leeyahay Xisbiga KULMIYE marka loo eego dhinaca loolanka Shir-guddoonka, waxayna sheegayaan in Xisbiga KULMIYE uu luminayo Xildhibaannada ka soo jeeda Gobolka Awdal, maaddaama oo Isbahaysiga Mucaaradku uu Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada u qorsheeyay Xildhibaan ka soo jeeda Awdal, halka aanu Kulmiye qorshaha ku darsan inuu kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ku dhiso Xildhibaan ka soo jeeda Awdal, taasi oo keeni karta in Xildhibaannada reer Awdal ee Kulmiye ay door-bidaan inay codkooda siiyaan dhinaca Mucaaradka, maaddaama oo la siiyey Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad.


Loading...
Loading...