Han Iyo Himilo (Qodobka 10AAD Ee Guusha)

0
Monday May 13, 2019 - 09:31:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2040
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Han Iyo Himilo (Qodobka 10AAD Ee Guusha)

    Waxaan shaki ku jirin qof kasta siduu yahay inuu isaga iska dhigay!!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan shaki ku jirin qof kasta siduu yahay inuu isaga iska dhigay!!! Adigu wax kale ma tihid waxaad uun tahay Hankaaga!!!!!


Ficilkaada inta badan wuxuu ka tarjumayaa waxa aad aaminsan tahay ama aad ka fekeraysid.

Ilaahay sareeye waa wanaagsan yahay waxaan wanaag ahayna looma nisbeeyo,wuxuuna mar kasta la jiraa wanaagga!!!


:

"{وَلِلّهِ الْمَثَلُ الأَعْلَىَ}
"Ilaahay Matal sare ayuu leeyahay”

Xadiisul qudsi ayaa ahaa:

يا عبادي ! إنما هي أعمالكم أحصيها لكم . ثم أوفيكمقا إياها . فمن وجد خيرا فليحمد الله . ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا نفسه ” .•.

"Adoomadaydoow waa uun acmaashiina waxaan idiin kaydinayo,ee ninkii wanaag hela alle ha ku mahdiyo,kii hela waxaan wanaag ahayna yuusun eedayn cidaan naftiisa ahayn”

Rasuulka scw wuxuu yiri:
عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول(إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرئ ما نوى

).
"Acmaasha oo dhan niyada ayay ku tacaluqdaa qof kastana wuxuu niyeystay uun buu helaa”.

Ma dhici karto ama badna adoo wax wanaagsan niyeystay inaad wax xun hesho.
Sidoo kale ma dhici karto adoo xumaan niyeysan inaad samaan samayso.

Hadaad wanaag qalbiga ku hayso waxa kaa soo fulaya oo dhan waxay noqonayaan wanaag.

Hadaad xumaan niyadda ku haysana waxa kaa soo fulaya xumaan uun bay noqonayaan.

Si taa la mid ah qof aad xumaan ka aamintay ma dhacayso inta badan in uu kuu muuqdo wanaagiisa wax kasta oo uu sameeyana xumaan uun bay kula noqdaan.


Si taa la mid ahna qof aad wanaag ka aamintay inta badan kuuma muuqanayso xumaantiisa oo wax kasta oo ka soo fula way kula fiicnaanayaan oo xitaa xumaantiisa tafsiir fiican baad uraadinaysaa!!!

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa haday laabi meel dhacdo indho wax ma arkaan.


Waana sida fiican ee ay diintanaduna ina farayso inaan mar kasta wanaagga u janjeerno,Oo waxaad arkaysaa in islaamkanagu mar kasta inagu dhiiri galinayo inaan dadka wanaag ku malayno.


{ لَوْلَا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ الْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَات بِأَنْفُسِهِمْ خَيْرًا }

"Maxaa Haddii ay xumaan maqlaan raga iyo haweenja muminiinta ah ay naftooda isugu malayn waayeen khayr”.

Inta badan qof han sare leh xumaan kuma fakaro,qof wanaag doonayana himilo hoose kuma saqajaamo!!!

Hadaad aragto caro,cuqdad,xiqdi,xumaan,nacayb,shaki,sas,cay,kibir,foobiyo,dagaal,iwn waxaad ogaataa in nafsadaasi tahay mid jiran oo liidata oo han hooseeya ku fakaraysa.

Hadaadse aragto farxad,cafis,wax tar,wax quur,duco,wanaag,kibir la,aan,amaan,nabad,nolol,iwn waxaad ogaataa in nafsadaasi tahay nafsad sare oo caafimaad qabta oo himilo sare higsanaysa.

Walaalayaal sirta nolosha waa wanaag ee hadeer ka bilow inaad wanaaga ka fakartid oo aad ka leexato dhabaha xumaanta.

Ilaahay waxa uu ina leeyahay.


– ‫وَلَا تَسْتَوِي الْحَسَنَةُ وَلَا السَّيِّئَةُ ۚ ادْفَعْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ فَإِذَا الَّذِي بَيْنَكَ وَبَيْنَهُ عَدَاوَةٌ كَأَنَّهُ وَلِيٌّ حَمِيمٌ (34)

Masina samaha iyo xumaha ee adiga mar kasta bixi midda wanaagsan waxaad arkaysaa iyada oo kii cadaawadda idinka dhaxaysay isu rogay xigaale ku jecel.. 1

‫Waxaa la xaqiijiyay in xumaha iyo samaha ay yihiin laba energy oo iska soo horjeeda oo hadba kii bata uu saamayntu yeesho

‫Ummad kasta oo ay dadkeedu ku bataan sifooyinka wanaagsan jawigooda waxaa hareeya wanaag

‫Ummad kasta oo ay dadkeedu ku bataan sifooyinka xunna jawigeeda waxaa hareeya xumaan

Walaalayaal waxaa loo baahan yahay in aan u badano sifooyinka wanaagga si uu jawigeenu u hareeyo wanaag iyo wada noolaansho


Haddaba, ma tahay adigu qof hammi leh, hadaf wata oo higsanaaya himilo? Ma rabtaa in aad ku guulaysatid wax walba oo aad guul ka rabtid? Ma rabtaa in aad yeelatid firfircooni aad ku abuuri kartid nolol sare? Ma rabtaa in hammi iyo dadnimo sare ay ku gasho? Ma rabtaa in kartidaadu korodho oo qof wax abuura aad noqotid? Ma rabtaa in aad nolosha wax ku soo siyaadiso oo aanad adigu siyaado ku ahaan ?


Waxaas oo dhan hadaad rabti inaad ka meel gaadho oo aad jeceshahay inaad baalka wanaagsan taarikhda ka gasho oo lagugu xuso dariiqa quman, oo aad daneyneyso guusha ifka iyo aakhiraba, ogow ma aha jidka kugu hagayaa mid cusub ama ka duwan ka ay mareen dadkii kaa horeeyay ee ku guuleystey! – Kama duwana waddada ay maraan dadka guuleystaa. Waxaanad u baahan tahay inaad dheegto taariikhdooda, si aad uga hesho waayo aragnimo. Qofkuu hadafkiisu cad yahay wuxu u baahan yahay in uu ka gudbo caqabadaha, waxaana lagama marmaan ah ina uu helo waddo uu u hogaansanaado, si uu wakhti kooban ugu fuliyo waxa qayrkii u baahnaa inuu wakhti libinlaab ah ku fuliyo. Qofka tusaale iyo tilmaansi laheyn waa qof lunsan, dadka intooda badanina iskuma hawlaan inay dib u baadhan dadka uga horeeyay himiladooda, balse waa shuruudda uu fulinteeda u baahan yahay qofka guusha wacan doonaya in uu gaadhaa waa taas. Haddaynu dib u eegno dadka raadka ku reebay taariikhda ee qofka raaca dariiqoodu uu ku najaxayo waxa ka mid ah, macallinkeena iyo Rasuulkeena sharafta leh Muxammed binu Cabdillahi (CSW) ee Ilaahey inoo sheegay in uu yahay tusaale wanaagsan oo ku dayashadiisu tahay liibanta qofka mu’minka ah. Waxa u ahaa Rasuulku markii u yaraa agoon aan hooyo iyo aabbo toona helin, waxay maalmihii yaraantiisu muujinayeen rejo yaraan ka muuqata mustaqbalkiisa marka loo eego caruurta ficiisa ahaa, laakiinse Illaahay [SW], ayaa u doortay in uu noqdo hoggaanka umadda, waxaanu ku imtixaamay qoomkiisii oo way dhibeen, caayeen, cambaareeyeen, cidhiidhiyeen, cidleeyeen, wasakhna ku shubayeen, waxayn ku noqdeen cadow, xataa ay ka caymadiyeen/eryeen dhulkiisii hooyo ee uu aadka ujeclaa. Laakiin, arrimahani Rasuulka [CSW] kama aaney mamnuucin inuu sii


inay guusha alle mar uun imanayso xataa uu dacwadii gaadhsiiyaye caalamka oo uu xaqii gaadhey dunida oo dhan. Ka baro taariikh-nololeedka Rasuulka suubban iyo dadka guuleystey waddada ay u mareen nolosha ay ku liibaaneen, oo kaga dayo dedaalka, kaga dayo dulqaadka, kaga dayo daacadnimada, kaga dayo geesinimada, kaga dayo kalsoonida, kaga dayo himilada sare ee ay lahaayen iyaga oo noloshoodu adag tahay, kaga dayo hami sare iyo himilo dheeriaad ah, kaga dayo u adkeysiga dhibaatoyinka iyo u dulqaadashad khasaaraha. Dadka noocas ahi waxay ina barayaan in hammiga sare uu yahay ka lagu najaxo aakhiro iyo adduunyaba, sababtoo ah, asxaabtii Rasuulku (CSW), waxa janno loogu bushaareeyay iyaga oo adduunka jooga, waxaanay taas ku gaadheen hammi sare oo ay lahaayeen oo aheyd inay jannada kula waraan Rasuulka (CSW).


Walalayaal ugu danbayn waxa inaga dhigayaa qof wanaagsan o waxtar leh o waxsoo ssar leh o guulaysta if iyo aduuna insha allah waa Han iyo Himilo o hankeena iyo Himiladeenu ha sarayso insha allah.


By: Mohammed Adam Hassan

Engineer Developer Researcher and Politician.

E-mail: [email protected]

Tell: 0634394700

( isbaddel ka bilaabmay shakhsi isla markaana u xuub siibtey bulsho dhan si ay u noqdaan Hormuudkii Horumarka Ee dunidan aynu ku noolnahay )

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...