Maamulka Gobolka Maroodi-jeex Oo Fariin Udiray Shacabka

0
Monday July 19, 2021 - 09:31:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Maroodi-jeex Oo Fariin Udiray Shacabka

    "waxa kale oo loo baahan yahay in aad looga taxadirro xannuunkii Covid19"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa kale oo loo baahan yahay in aad looga taxadirro xannuunkii Covid19"

Hargeysa(HWN)-Xoghayaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed-deeq Cabdi Muuse oo maanta u waramay Wargeyska Dawan, ayaa bulshada ku dhaqan Gobolka Maroodi-jeex iyo caasimadiisa Hargeysa u soo jeediyey inay maalmaha ciidda Carafo ee foodda inagu soo haysa yareeyaan saxmada iyo wax kasta oo keeni kara nabad-gelyo darro.



Xoghayaha, ayaa ugu baaqay wadeyaasha Gaadiidka ee Magaalada dhexdeeda ku socdaalaa inay ilaaliyaan nidaamka waddo-marista, isla markaana aanay caqabad ku noqon dadweynaha suuqyada ka adeegganaya, isagoo dhinaca kale Bulshada ku booriyey inay kala shaqeeyaan laamaha dawladda adkaynta nabad-gelyada, kana taxadiraan maalmaha ciidda ee saxmadu badan tahay halista cudurka oo COVID19 oo wali jira.


Xoghayuhu waxa uu sheegay in maalmahan Ciidda loo diyaar-garoobayo Magaaladda Hargeysa suuqydeedu mashquul badan ku jiraan, sidaas awgeed dadka gaadiidka wata looga baahan yahay in aanay Baabuurta dhigan meelaha Dadku ka adeeganayo "Maalmaha Ciidda dadka dabaal-degaya ee Dhalinyarada ah waxaan kula talinayaa inay ka taxadiraan waddooyinka Baabuurta ay xawliga ku wataan iyo wax kasta oo dhibaato u keenaya. Kaantaroolladana waa in aanay ka gudbin. waa in cid waliba carruurteeda haysataa oo aanay waalidiintu Carruurtooda iska soo dayn”ayuu yidhi.


Xoghayuhu waxa kale oo uu ugu baaqay dadweynaha "waxa kale oo loo baahan yahay in aad looga taxadirro xannuunkii Covid19 oo wali caalamka ka jira. waa in lagu dhaqmaa shuruudihii lagu xakamaynayey cudurkaasi ee Madaxweynaha iyo guddida qaranku inoo dejisay”ayuu raaciyey.
Xoghayuhu waxa uu Darawaliinta Gaadiidka Dadweynaha qaada ee gobolada u kala goosha ku adkeeyey in ay ilaaliyaan maalmaha Ciidda iyo mar walba bad qabka dadka rakaabka ah ee ay qaadaan, isla markaana halis gelin muwaadiniinta maalmaha farxada ee dhaqdhaqaaqa dadweynuhu xaamiga yahay.


Ugu dambeyn Xoghaye Maxamed-deeq waxa uu Qaranka Somaliland ugu hambalyey Munaasibada Ciiddal-adxada.

Loading...
Loading...