Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo Masuuliyiin Caydhiyay, Kuwa Cusubna Magaacabay

0
Sunday July 18, 2021 - 23:52:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3095
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo Masuuliyiin Caydhiyay, Kuwa Cusubna Magaacabay

    Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo Masuuliyiin Caydhiyay, Kuwa Cusubna Magaacabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyadda WADDANI iyo UCID oo Masuuliyiin Caydhiyay, Kuwa Cusubna Magaacabay


Hargeisa(HWN):-Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee WADDANI iyo UCID, ayaa waxaa ay caydhiyeen masuuliyiin ka tirsanaa labadaasi xisbi.
Xisbiyada Ucid iyo Waddani


Sidoo kale, Labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID, ayaa magacaabay masuuliyiin cusub kuwaasi oo lagu bedelay masuuliyiin Xisbiyadaa laga caydhiyey.

Xisbiga WADDANI, ayaa Cabdiraxmaan Ibraahim Cartan u magacaabey Agaasimaha Xarunta Dhexe ee xisbiga WADDANI, iyadoo Xilkan uu horey u hayay Xildhibaan Jamaal Diiriye oo isna horey u sheegay in uu han leeyahay ka dib xilka laga qaaday.

Dhinaca kale, Xisbiga UCID, ayaa Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir u magacaabey ku xigeenka Xoghayaha guud, kadib markii Xilkaa laga qaadey Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo hore u sheegay in uu han leeyahay ka dibna isbahaysi la yeeshay Xisbiga KULMIYE.

Loading...
Loading...