Magacyadda 20 Wasiir Oo Xafiisyadoodii Albaabada U Xidhay Iyo Sababta Keentay!

0
Sunday July 18, 2021 - 22:39:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyadda 20 Wasiir Oo Xafiisyadoodii Albaabada U Xidhay Iyo Sababta Keentay!

    Magacayadda Ku Dhawaad 20 Wasiir Oo Xafiisyadoodii Albaabada U Xidhay Iyo Sababta Keentay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacayadda Ku Dhawaad 20 Wasiir Oo Xafiisyadoodii Albaabada U Xidhay Iyo Sababta Keentay!


Hargeisa(HWN):-Wasiiirada Xukuumadda Muuse Biixi ayaa lagu eedeeyey inay ka mashquuleen shaqadii Qaranka, isla markaana ay u xuub siibteen olollaha shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo raadinta & raacdada Xildhibaano kooramka Golaha Wakiillada u buuxiya Xisbiga KULMIYE.



Wasiiradda ugu tunka weyn leh Xukuumadda Biixi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan sal dhigan xafiisyaddood,kuwaas oo la sheegay in aanay qaarkood-ba ka soo xaadirin xafiisyadood, kuwaas oo ah qaar ku mashquulsan doorashada shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

"Maamulkii Dawladda ayaa laga fadhiistay shaqadoodii oo wasiiraddii waxay ku mashquulsan yihiin doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada” Ayuu yidhi Xildhibaan Cumar

Dhanka kalena, Wasiiraddan shaqadii Qaranka ay u hayeen ee rasmiga ahayd ka door-biday ololaha shirguddoonka ayaa iskugu jira laba qaybood oo kale ah Wasiiro doonnaaya inay iska dhaadhiciyaan Muuse Biixi iyo qaar ka baqanaaya in xilka laga qaadaayo oo is-daad raacinaya hawlaha socda.

Geesta kale, dhawr iyo toban Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Muuse Biixi ayaa ay shalay Xafiisyadoodii haawanayeen,isla markaana ay xidhnayeen,kuwaasoo ku mashquulsanaa doorashada shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taasoo ka baxsan shaqadii Bulshada ay u hayeen, isla markaana aan meel-na ka soo gelin,waxaanay kala ahaayeen Wasiiradda shalay jibaysnaa ee Xafiisyadoodu xidhnayeen kuwan:-

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed
Wasiir Siciid Sulub Maxamed
Wasiir Axmed Muumin Seed
Wasiir Maxamed Muuse Diiriye
Wasiir Shugri Xaaji Baander
Wasiir Xasan Gaafaadhi
Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal
Wasiir Axmed Toorno
Wasiirka wasaaradda dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi
Wasiir Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi,
Wasiir Maxamed Axmed Cawad
Wasiir Maxamuud Sacad Saajin
Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Xinif
Mareeyaha Mad-bacadda Qaranka Maxamuud Raage .

Si kastaba ha-ahaatee Wasiiradda Xukuumadda Muuse Biixi ayaan qaarkood muddooyinkii ugu dambeeyey aanay furrin Xafiisyadooda,isla markaana aanay ka ag-wareegin Wasaaraddaha ay maamulaan,kuwaasoo u xuub-siibtay raadinta Xildhibaano kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE.

Loading...
Loading...