Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay Heshiiskii KULMIYE iyo Garabkii Xisbigiisa

0
Sunday July 18, 2021 - 17:49:25 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1888
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay Heshiiskii KULMIYE iyo Garabkii Xisbigiisa

    Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay Heshiiskii KULMIYE iyo Garabkii Xisbigiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Waxba Kama Jiraan Ku Sheegay Heshiiskii KULMIYE iyo Garabkii Xisbigiisa


Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiis ay wada galleen garab ka tirsan Xisbigiisa iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, kaasoo nuxurkiisu ahaa inay dhisaan Xildhibaan Faratoon iyo laba Guddoomiye ku xigeen oo ka mida garabka Xisbiga mucaaridka ah ee UCID.


Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay innuu kaligii Xisbiga heshiis u geli karro, isla markaanna aannay Xildhibaannada heshiiska galay xaq u lahayn.
Feysal Cali Waraabe 'oo ka quustay' aqoonsi ay hesho Somaliland, hal sabab darted - Caasimada Online

"Heshiiskaasi sharci maaha, Xisbiganna waxa heshiis u geli karra madaxda Xisbiga, gaar ahaan guddoomiyaha Xisbiga UCID oo kaliya, markaa awood ay heshiis ku gallaan malaha, waxaannay khatar gelinayaan Xildhibaanimadooda oo Sharcigu wuxuu sheegayaa in Xildhibaanka jebiya sharuucdii lagu soo doortay inuu Kursiga bannaynaayo, markaa Xisbiguna Xildhibaankasta warqad buu ka saxeexay, markaa heshiiskaasi waa waxba kama jiraan."

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Xildhibaannadaasi ku Xad-gudbeen Xeerka iyo Distoorka Xisbiga UCID.
"Horta waa midde Xildhibaanku waa inuu ilaaliyaa Siyaasadda Xisbiga, waxaanna jirta in Xisbigu go'aansadday siddii 2005-tii inay Xisbiga kale ee mucaaridka ah ay qaybsaddaan Shirguddoonka golaha Wakiillada, markaa Xildhibaanku awood umalaha inuu yidhaahdo Xisbi baan la heshiinayaa, awoodda aniga oo kaliya ayaa leh oo heshiis la geli karra Xisbi ama Hay'ad kale." Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Loading...
Loading...