Xornimo (Independence) Maalinta qaranimo (National day)

0
Monday May 13, 2019 - 09:25:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xornimo (Independence) Maalinta qaranimo (National day)

    Xornimo waxa lagu macneeyaa xaaladda uu qofku,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xornimo waxa lagu macneeyaa xaaladda uu qofku,

qaranku ama waddan xuduud cayiman leh ay dadka deggan ama umadda ku nooli ay ku naaloon karaan ama ku noolaan karaan is xukun madax banan iyagoo aan cidna cabsi iyo wer wer qabin meesha uu doonana ka degi karo waddankaas uu ku noolyahay.



Hase ahaattee qaabka xornimo lagu hanta way kala duwan tahay,mararka qaarkood ayaa dagaallo iyo gacan ka hadal loo maraa,mararka qaarkood dood sharci ayaa lagu soo dhacsadaa,waxana hubaal ah in qaran kastaa leeyahay maalin uu u dabaal dego qaabka uu rabo ha ugu damaashaadee,


Waxa kaloo lagu kala duwanyahay habka dabaal degga oo waddamada reer bariga ee shuuciyadda u badan ayaa Ciidanka iyo hubka soo bandhiga,oo iyagu waxay u dhigaan qaab dhoollatus oo kale,halka dalalka reer galbeedku ay iyagu dhoollatus military u sameeyaan xilliga ay rabaan,waxa kaloo jirta haddii uu jiro wadankaas waddan kale oo ay is hayaan ama cadowgiisu badanyahay la yaab noqon mayso inuu cududdiisa muujiyo,oo uu tuso inuu heegan yahay,xilligase nabad iyo barwaaqo la gaadho looma baahna bandhig sidaas u wayni ee waxa ku filan xaflado.


Maalinta qaranimo iyaduna waxa lagu macneeyaa,maalin la isla garto oo loo asteeyo inay noqoto maalinta qarankaasi uu xuso qaranimadiisa ama madaxbaanidiisa waxay noqon kartaa isla maalinta xornimada la gaadhay ama maalin kale oo la isla garto,oo umadda wadankaas wada degani isla calaamadsadaan,


Haddii aan isla eegno Maalinta 26 juun iyo 18 may labaduba waa maalmo xusuus mudan,hase ahaatee maalinta 26 juun waa maalin ka dhaxaysa Somalia iyo Somaliland waana maalintii Calan Somaliyed laga taagay Hargeisa,hase ahaattee maadaama labadaa dale e Somalia iyo Somaliland kala tageen waa in la helaa wax ay isku khilaafsanyihiin Sidaas darteed ayaa loogu asteeyay maalintii Beelaha Somaliland Burco ku shireen dagaallo daba dheeraaday ka dib kuna go aansaden inay dib ula soo noqdaan Qaranimadooda,haddaba aynu u kala saarno sidan;-


1-Maalinta 26juun 1960kii waa maalintii Ingriiska xornimada Somaliland ka qaadatay ee Calanka Somalida laga taagay hargeysa.ogsoonow maalintan Somaliland khaas uma laha ee waxay ka dhaxaysaa Somalia iyo Somaliland labaduba way xusaan.


2-Maalinta 18 may 1991 waa maalinta xornimadaas hore ee luntay dib loo soo helay,waana (National day) waa maalinta qaranka Somaliland yaan la isku khaldin isla markaana in muran laga raadiyaa ma habboona waayo 28 sano ayaa laga joogaa maalinta la soo noqoshada Qaranimada Somaliland in la siyaasadeyo ma fiicna.


Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...