Muuse Biixi Oo Weli Ku Dheggan Fly Dubai, Sababta Keentay Iyo Kulan Uu La Yeeshay Xildhibaannada Bariga Burco Fashil Ku Dhamaaday

0
Sunday July 18, 2021 - 14:50:39 in News by
  • Visits: 2445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Weli Ku Dheggan Fly Dubai, Sababta Keentay Iyo Kulan Uu La Yeeshay Xildhibaannada Bariga Burco Fashil Ku Dhamaaday

    Muuse Biixi Oo Weli Ku Dheggan Fly Dubai, Sababta Keentay Iyo Kulan Uu La Yeeshay Xildhibaannada Bariga Burco Fashil Ku Dhamaaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Weli Ku Dheggan Fly Dubai, Sababta Keentay Iyo Kulan Uu La Yeeshay Xildhibaannada Bariga Burco Fashil Ku Dhamaaday


 Muuse Biixi Cabdi ayaa weli ku dhegan diyaaradda Fly Dubai in xayiraadda laga qaado,iyadoo kullan ay la yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Beesha Barriga Burco oo ku saab-sannaa arrintaas lagu kale kacay,isla markaana uu si cad Madaxweynuhu ugu sheegay in aan la siidayn doonnin.

Muuse Biixi Oo Laga Codsaday In Uu Dib U Fasaxo Duulimaadyada Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Al Caribiya – Borama News Network


Xildhibaan Jaamac Cabdi Oogle Caano-boodhe oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee laga soo doortay Gobolka Sanaag ayaa sheegay in kullan ku saabsan arrinta diyaarada Fly Dubai ay la yeesheen Madaxweyne Biixi inuu ku soo dhammaaday natiijo la’aan,isla markaana uu Madaxweynuhu ka diiday dalabkoodii ku saabsanaan diyaarada Fly Dubai

Dhanka kalena Xildhibaan Jaamac Cabdi Oogle Caano-boodhe ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Xildhibaannada kullan la yeeshay ay si addag uga wadda hadleen arrintaas,balse la isku diiday Wakiilka Diyaarada Fly Dubai u jooga Somaliland oo uu diiday Madaxweynuhu,kaas oo ay hore isku jiidheen Madaxweynaha .

Xildhibaan Jaamac Cabdi Oogle Caano-boodhe oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-"Arrintaas arrimaha ugu adag ee aanu Madaxweynaha ka wadda haddalnay ayey ahayd ,murranku waxa uu ka taagnaa inankii wakiilka ka ahaa ee meesha haystay ayaan ka baddelayaa ayuu yidhi oo waanu oggolayn Madaxweynuhu oo wuu ka biyo diisan yahay,waa arrimo aan u qaatay arrimo siyaasadeed oo aan is idhi qardoofo ayaa soo kale dhex-martay .”

Waxa uu intaas ku daray "Diyaaradii waan fasaxay ayuu yidhi, laakiin ninkaa wakiilka ka ahaa ayuu naga diiday inuu u fasaxo oo si cad ayuu taa nooga diiday Madaxweynuhu.”ayuu yidhi Xildhibaan Jaamac Cabdi Oogle Caano-boodhe

 


Loading...
Loading...