Fariin Ku Socota Haweenka Soomaaliyeed!

0
Sunday July 18, 2021 - 10:51:07 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2330
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariin Ku Socota Haweenka Soomaaliyeed!

    Sanad markaan marayay nabarkii iyo xanuunkiina igu sii fiday ayaan markale kusoo noqdey Digfeer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanad markaan marayay nabarkii iyo xanuunkiina igu sii fiday ayaan markale kusoo noqdey Digfeer


" Magaceygu Waa Salma Jaamac Nuur, waxaan hadda joogaa dalka turkig aan dhaqtar u tagay laba bilood kahor, waxaan jeclaystay inaan bulshadeyda la wadaago xogtayda iyo xanuunkeyga talo ahaana aan idiin sheego ujeedkeyguna waa talada aan idiin oran doono,


Muddo laba sano kahor ah ayaan dareemay xanuun dhanka bidix ee naaska igaga badnaa markaas, markii lix bilood camal xanuun soo badanaya aan ka dareemayay waxaan dareemay nabar naaska ibtiisa igaga dhashay, xoogaa yar kadibna wuu igu sii faafay wuxuuna noqday mid xanuunkiisu igu sii siyaadey, waxaan tagay isbitaalka Digfeer xiligaas waxay isiiyeen dawooyin waxayna dheheen maahan kansar,

Sanad markaan marayay nabarkii iyo xanuunkiina igu sii fiday ayaan markale kusoo noqdey Digfeer, waxay igu sameeyeen baaris, waxaa naaska laga jaray hilib yar si baaris loogu soo sameeyo turkiga maadaama isbitalka digfeer gacanta ay ku hayaan turkidu, 10maalmood kadib jawaabtii layga helay waxay noqotay xanuunka kansarka oo ku faafay sanbabada iyo weliba labada naasba.

Waxayna ii sheegeen in deg deg la iigu qaado dalka turkiga welba hawl-wadeenada isbitaalka digfeer ayaa dhahay dal kugalka turkiga anaga kuu fududeyn doona, maadaama dadka digfeer wax looga qaban waayo ay udiraan turkiga, sababi jiray awgeed iyo anigoo xiligaas diyaar u ahayn safar turkiga ah , dhaqaale ahaana qorshe u baahantahay , waxay igu sii qaadatay, shan bilood oo danbe inaa isdiyaariyo,

Alxamdulilaah, waan tagay turkiga dhaqaatiirtii aan u tagay waxay ii sheegeen inaan waxba layga qaban karin , balse ay saddex bilood gubayaan hilibka naaska saaran kadibna ay jarayaan, dawooyina waa igu socdaan inta mudadaas laga gaarayo, Marna naxariista rabbi kama rajja dhigin, ducadiina iyo ilaah barigiinana waan u baahnahay,

Ujeedkeyga iyo Taladeydu Waxay tahay:

Sida dhaqaatiirtu isku raaceen xanuunkan kansarka naaska igaga dhacay wuxuu markiisii hore ka dhashay Anigoo u seexan jiray Beer beer iska markaana culayskeyga saari jiray labada naas, dhulka iyo culayska qofka marka isku celiyaana waxaa dhacda in xidido iyo neerfayaal naaska kuyaal qarxaan waana sababta aniga xanuunkeyga bilowga u ahaa,sida dhaqaatiirtu sheegeen,

Waxay kaloo iga qanciyeen iina sheegeen in Haweenka caalamka intooda xanuunka kansarku ku dhaco uu ka asiibo naasaha sababaha ugu wawayna waxay ku sheegeen laba arimood oo kala ah , 1- Haweenka ku dul seexda naasaha , beer beerka u seexda iyo 2- Haweenka Xirta raajastiinada naasaha kuwooda adag ee qaarkood birtu kujirto, waxaana la xaqiijiyey xirashada dharka labiska naasaha ee adayga ah ay sababaan kansarka.

Inaan Arinkaas la wadaago hablaha Soomaaliyed ayaan goaansadey oo aan weliba uga digo, labadaas Arimood inay il gaar ah ku hayaan iskana dhowraan, labada arimood ee kala ah , Joojiya inaad u seexataan beer beer, sidoo kale joojiya labiska waxyaalaha adag ee naasaha lagu xiro, ka dhowra naasihiina Maryaha biruhu hoos kaga jiraan, ma doonayo inaan xaasid dhibka idiin qariya noqdo, Ilaahayna waxaan ka baryin sida qalbigaygu daacad u yahay inuu caafimaad iigu badalo,

Waxaan ka codsanayaa ruux walba oo Xogtaydaan soo gaarto inuu marka Koowaad iisoo duceeyo rabbina iisoo baryo maadaama maalmo khayr badan lag dhex jiro, marka labaadna aad sii faafisaan oo lasii wadaagtan muslimiinta kale, si ducana aan uga helo, hablahana waano guud ay ugu noqoto"...

Salma Jaamac Nuur,
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...