Samaan Mise Silic Waa Kuma Siyaad

0
Monday May 13, 2019 - 09:17:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samaan Mise Silic Waa Kuma Siyaad

    Muxuu lahaa Xumaan iyo wanaag?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu lahaa Xumaan iyo wanaag?
4-Qaar ayaa leh, Adiga waxa uu ku siiyay Kacaanku wax barasho lacag la’aan ah, Aniga weligeey Lacag wax barasho igama dhiibin Jaalle Siyaad, daliil been ah qeyb yar ha ka soo qaadan, Siyaad Xukunkiisii ka hor ayaan Isgool dhiganayay , isaga ka hor ayeeyna wax barashadu Lacag la’aan aheyd, tii ayaana wasaaradu sii waday. Weliba waqtigiisii qaar isgoolada ka mid ah ayaa Lacag ahaa, Anniga ayaa Sariirteydii aan ku jiifanayay ku iibiyay 30 Shilin si aan wax barasho isaga dhiibo. Sidoo kale Siyaad ka hor waxaa jiray daaweyn lacag la’aan ah. Dhalin yarada yaan la sirin.


5- Qaar ayaa qiil ka raadinaa, haddii uu tagay maxaa la qabtay?, maxaa is bedelay hadda?, waxa badan ayaa is bedelay. Xaaladdii shalay ma jirto, maanta haddii la keeno Siyaad Barre ee la yiraa Xukunka qabo, ma jirto haba yaraatee wax uu qaban karo, maalintii uu Qabanayay xukunka, sidii Dadku uu ahaa hadda ma ahan. Dhalashada Kacaanka ayaaba aheyd fal sharci darro ah, haddii uu fashlimi lahaana ugu yaraan Xabsi ayuu muteysan lahaa, waxa uuna ku xad gudbay sharcigii dalka.

6- waad ogtahay xukun kasta wanaag iyo xumaanba waa ka tagaa. Jaalle Siyaad waa galay Dambi Diini ah, iyo mid Qaranba, Waad ogtahay in isaga oo ummad Muslim ah hogaaminayo si uu u qanciyo la taliyayaashiisii Ruushka in uu si cad u beeniyay Suurado qur’aanka ka mid ah, Khasbayna in si khasab ah loogu dhaqmo xeerkiisii ka soo horjeeday Diinta Islaamka.

7-In Dad badan oo Somali ah uu kacaanku Xabsiyada ku dili jiray Maxkamad la’aan. In Cuntada saf loo gali jiray, waxa beertaada ka soo baxo in khasab ADC ey kaaga qaadan jirtay, waxaad ogtahay in Haweenku subaxdii ilaa galkabtii ey dhuxusha iyo sokorta saf ugu jireen, waad ogtahay in Lacagta aad Bangiga dhigato dad kale la sii jiray, in Bangiyadii Lacag qalaad laga waayay kadibna suuqa madoow uu Bangigu ku sarifi jiray, in qofna uuna mushaar kiisu ku Filneyn, in ciidamadii ey mushaar la’aan u kala tageen wixii ka dambeeyay 77. Ninkii qeyba dalka ah Dayaarado ku garacayay, Beeraha iyo baraagaha gubayay, ugu Dambeeyna Xamar xaafadaha Shacabka Madaafiic ku garaacay.

8- in laga baqi jiray in Musaajidda lagu tukado, sii looga badbaado Qafaal ciidan oo qasab ah, ama qofka la qafaalo laga soo iibinayay Ciidamada, ama silic iyo Dil la marsiinayay qofkaa, Qabyaaladuna waxa ey gaartay heerkii ugu sareeyay.

9- waad ogtahay in Deynta Faraha Badan ee maanta nalagu leeyahay,in waqtigiisii la galay illaa markii dambe Deyn loo diiday. waad ogtahay in warshadaha waaweyn ee dalku ey ka horeeyeen Kacaanka, Dekedaha badan sida tan xamar iyo Kismayo in Dowladihii ka horeyay kacaanku ey dhagax dhigeen, Dhimooyinka waaweyn sida Golaha shacabku waa ka horeeyeen kacaanka.

10-waad ogtahay in uu jiray Dhul boob iyo kufsi baahsan, xuriyada hadalka iyo Qoraalkuna ma jirin. Maalintii uu baxayay 95% dadka soomalidu meel kasta oo ey joogaan waa ku faraxsanaayeen in Duqa la eryo, ma kula tahay in maalintaa Somalida oo dhami ey khalad isku raacday.

11- Kacaankaa Ku khasbay haweenka oo dhan iney Surwaal iyo shaati qaataan haddii kale wax barashada laga joojiyo, xataa garbasaar looma ogoleeyn, sidoo kale haweenka shaqaalaha ah qaar dhar gaagaaban ayaa lagu khasbayay.

12- Ciidamada somalidu iyaga oo 4 Sanno jiro ayeey Ethiopia ka guuleeysteen, laakin iyaga oo 17 Sanno jiro ayaa Ethiopia ka guuleeysatay, ka baxaaydii, Ciidamaddii ugu wanaagsanaa ee Amxarada gumaaday 1977, waxaa lagu yiri: Abaal marino ayaa la idin siinayaa, kadibna madaxdoodii ayaa gumaaday, meel fagaara ah, hal goob ayaa lagu xasuuqay geesiyaal ka badan 300 Asgari oo Abaal marin sugayay. Janaraalku waxa uu ka amar Qaadanayay Aliflaha. Baabuurkii qurxan ee Dekeda kaaga soo dego waa lagaa qaadanayay, Gabadhii qurxana waa la wadanayay Gobalada qaar.

13- Xaaladu markii ey xumaatay waxaa lagula taliyay in uu dalka isaga tago, laakin waa diiday, ilaa xoog looga bixiyo, Ciidamadiisii u haray ayuu amray in ey wax Bililiqeystaan, isagiina waxaa qaxay, waxa uuna ku dhintay Dalka Najeeriya isaga oo Qaxooti ah ( F.S: 1aad).

14- Boqorkii Talyaaniga ee yiri: Gadaasheeyda Duufaan, ama Ninkii beertii uu abuuray gubay.

WANAAG .

15-Af somaligu Kacaanka ka hor ayuu qornaa isaga oo dhowr nuuc ah, weydii gudiga Af somaliga, in aan qaadano waxaa nagu dhiiri galiyay Madaxweynihii shiinaha. Kacaanka waxaa lagu Amaani karaa Hirgalinta ee ma ahan soo saarida.

16-Beerihii Karash borogram, Ololihii Horuumarinta Reer Miyiga, Bacaad celintii, Mamnuucidda Ugaarsiga Duurjoogta, qeybtii uu ka qaatay Xureynta wadama Afrikaan ah.
17Wanaag kale oo bandanna ka aqriso Xayeysiinta Saaxiibkeey.

FG: waan u mahadcelinayaa, Dhamaan intii Commentiga ka bixisay ,waan cafinayaa kuwii ku caaytanay commentiga, kuwii i habaarayna Alla kama aqbalo, kuwii ii sheegay in eyna mar dambe Aqriseeyn Qoraaladeyda FB iyana waan ka aqbalay in aan ka xiro, kuwa aan Runta jecleeyna yeelkadood. Ogow Kacaanku hal nin ma eheyn.qof ki kaa agti duwan, ama aad Fahmi weydo, ha isku qancin in aad tiraahdo, Prof. Somali,hadduu, ileeyn adaan .....

FG: wixii aan khalday ka sax qoraalkaan, wixii ka dhimanna ku dar. Arragtidaada Xur ayaad u tahay.

Qore: Yahya Amir
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...