Nuxurka Warbixin Uu Wasiirka Beeruhu Siiyey Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida

0
Sunday July 18, 2021 - 10:17:10 in News by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Warbixin Uu Wasiirka Beeruhu Siiyey Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida

    Nuxurka Warbixin Uu Wasiirka Beeruhu Siiyey Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Warbixin Uu Wasiirka Beeruhu Siiyey Guddida Dhaqaalaha Ee Golaha Guurtida

Hargeysa (WHB) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa Maanta Xafiiskiisa Hargeysa kulan kula yeeshay Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida.
May be an image of 1 person



Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo Wasiirka Beeraha Xafiiskiisa ku soo booqday, ayaa ka waraystay dhibaatada uu Ayaxu ku hayo wax soo-saarka Beeraha dalka.

Wasiir Axmed Muumin Seed, ayaa Guddiga War-bixin Faahfaahsan ka siiyey Dedaalka Wasaaradda Beeruhu ugu jirto ka hor-tagga Ayaxa oo si joogta ah Weerar ugu haya Beeralayda dalka.

Wasiirku wuxuu Guddiga u sheegay in Wasaaraddu muddo dheer ka shaqaynaysay la dagaalanka Ayaxa, imikana ay sii waddo iyadoo adeegsanaysa Gaadiid tiro badan, Diyaaradaha Qumaatiga u ah iyo hawl-wadeeno u tababbaran buufinta Ayaxa oo ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Horuarinta Beeraha.

Wasiirku, sidoo kale wuxuu Guddiga si hufan ugaga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen oo la xidhiidha Masuuliyadda uu Qaranka u hayo, gaar ahaan dhinaca Horumarinta Beeraha.

Ugu dambayn, Wasiirka waxa kulanka uu la yeeshay Guddiga ka socotay Guurtida ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda bedbaadada Beeraha iyo Xubin ka mid ah Khuburrada Wasaaradda Beeraha JSL

Loading...
Loading...