Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada Ee Loolanka Loogu Jiro , Habka Loo Dooranayo Iyo Shaqadiisa

0
Sunday July 18, 2021 - 09:45:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir-Gudoonka Golaha Wakiilada Ee Loolanka Loogu Jiro , Habka Loo Dooranayo Iyo Shaqadiisa

    Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Abdi Jama

Shirgudoonka golaha wakiiladu waa saddex xubnood oo kala ah 1- Gudoomiye , 2- Gudoomiye ku xigeen 1aad 3- Gudoomiye ku xigeenka 2 aad , caalamka waxa looga yaqaanaa ( House Speaker ) .

Marka ay golaha soo hor-fadhiyaan waxa dhexda fadhiya Gudoomiyaha, dhinaciisa midig waxa fadhiisanaya ku xigeenka 1aad , dhinaciisa bidixna ku-xigeenka labaad.



Maamuuskiisa heer qaran waa qofka leh maamuuska 4aad , waxaa maamuuska 1aad ee qaranka leh madaxweynaha, maamuuska 2 aad ee qarankana waxa leh madaxwayne ku xigeenka , maamuuska 3aad ee qaranka waxa leh gudoomiyaha guurtida jamhuuriyada Somaliland, maamuuska 4 aad ee qaranka waxa leh gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland.


Shaqadiisu waa shirgudoominta kalfadhiyada golaha wakiilada, hadii gudoomiyuhu maqan yahay, waxa golaha shirgudoominaya gudoomiye ku-xigeenka 1aad , hadii labadaasiba maqan yihiin waxa gudoominaya kalfadhiga gudoomiye ku-xigeenka 2aad.


Marka mooshinada kalfadhiyada loo codeynayo Gudoomiyuhu oo ah shir-gudoonku cod malaha , laakiin labada gudoomiye ku xigeen waxa ay leeyihiin cod , golaha codkiisuna waa gacan taag.



Kalfadhiga koowaad ee golaha wakiilada waxa isugu yeeshaya madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabma maalinta lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee golaha wakiilada sida ku cad;


Qodobka 44naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland qaybta 1aad , qaybta 2aad waxa uu sheegayaa hadii madaxweynuhu isugu yeedhi waayo golaha ayaa iskii u kulmaya maalinta 45 aad laga soo bilaabo mudadii natiijada , qaybta 3aad golaha cusub waxa furaya gudoomiyaha maxkamada sare oo dhaarinaya xubnaha golaha, ka dib xubinta ugu da'da weyn ayaa shir-gudoominaya golaha oo iska dhex dooran doona gudoomiye iyo laba gudoomiye ku-xigeen.


Sida ku cad qodobka 45naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 3aad , go'aamada golaha wakiiladu waxa ay ku ansaxayaan hal dheeri tirada golaha joogta markaa oo ah aqlabiyad fudud ( Simple Majority) , marka laga reebo xaaladaha dastuurka ama xeer hoosaadka goluhu sheego aqlabiyad kale.


LOOLANKA AXSAABTA SIYAASADA JAMHUURIYADA SOMALILAND UGU JIRAAN SHIR-GUDOONKA.


Doorashadii ka dhacday dalka jamhuuriyada Somaliland 31-05-2021 waxaa lagu doortay 82 xubnood oo noqonaya xildhibaanada golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland maalinta la dhaariyo , waxaana ay sadexda xisbi qaran u kala heleen sida tan;


1- Kulmiye 30 Xubnood
2- Waddani 31 Xubnood
3- Ucid 21 Xubnood .

7 June 2021 waxaa shirkii koowaad oo isbahaysi siyaasadeed ah galay xisbiyada Waddani iyo Ucid oo ujeedkiisu ahaa sidii mayerada dalka ee degmooyinka jamhuuriyada Somaliland mucaaridku u heli lahaa iyo waliba sidii ay shir-gudoonka golaha wakiilada u hantiyi lahaayeen.


22 June 2021 waxaa shir-gudoonka golaha wakiilada sadex Xubnood u soo xulay labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo xubnaha axsaabtooda ka soo baxday ay isku yihiin 52 Xubnood oo ahayd 64% xubnaha golaha wakiilada , gudoomiyaha oo ah Waddani iyo labada ku xigeen oo xisbiga Ucid ah.


17 July 2021 ayaa waxaa sameysmay isbahaysi kale oo ay galeen qayb ka mid ah xubnihii xisbiga Ucid oo 10 ah iyo hogaanka xisbiga Ucid oo ay ka mid ahaayeen Murashaxii madaxwayne ku-xigeenka xisbiga Ucid , ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga , xoghaye ku xigeenkii guud iyo xoghayihii hore ee arimaha gudaha oo xisbiga kulmiye la sameeyey xulafo.


Waxaana xulfigan siyaasadeed oo noqday is-bahaysi kale loogu heshiiyey in uu gudoomiyaha golaha wakiilada qaato xisbiga kulmiye, labada ku xigeena ay qaataan xisbiga Ucid, marka tiradii la kala haystay lagu noqdo oo ahayd mucaaridka oo hore u ahaa 52 -10 = 42 hadda , halka Muxaafidka oo hore u haystay 30 + 10 = 40 hadda haystaan.


Wali waxa aqlabiyadii haysta labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid oo leh 42 Xubnood, halka uu xisbiga muxaafidka ah iyo qayb ka mid ah xisbiga Ucid yihiin 40 Xubnood, ilaa hadda waxa socda loolan adag oo aan la saadaalin karin labada shir-gudoon ka guuleysan doona, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda madaxweynuhu isugu yeedho golaha.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil


Image

Image

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...