Qaabkee WhatsApp Fariin Loogu Diri Karaa Telifoon La'aan?

0
Sunday July 18, 2021 - 09:07:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkee WhatsApp Fariin Loogu Diri Karaa Telifoon La'aan?

    Waxaa Tijaabo Ku Jira Adeeg Sahlaya In Farriimo La Isu Diro Telefoon La'aan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Tijaabo Ku Jira Adeeg Sahlaya In Farriimo La Isu Diro Telefoon La'aan

Shirkadda WhatsApp ee laga leeyahay Facebook ayaa tijaabinaysa adeeg dadka macaamiisheeda ah u oggolaanaya inay farriimo isu diraan iyagoo aan telefoonno heysanin, waana markii ugu horraysay ee arrintan la isku dayo.



Waqti xaadirkan, WhatsApp wuxuu dadka ku khasbaa inay telefoonkooda ku xirnaadaan, iyagoo aan la'aantiis isticmaali karin adeegga. Xitaa marka laga furanayo kumbuyuutar ama aalad kale waxaa lagama maarmaan ah in lagu xiriiriyo telefoonka.


Laakiin adeeggan cusub wuxuu dadka siin doonaa fursad ay farriimo ku heli karaan "xitaa haddii uu telefoonka uga damay batari la'aan awgeed".


Ilaa afar aaladood oo kale - sida Kumbuyuutarrada ama tablet-yada - ayaa si wada jir ah loo istcimaali doonaa, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta WhatsApp.


Marka hore, adeeggan ayaa qaab hordhac ah loogu fasixi doonaa "koox yar oo ka mid ah macaamiisha", shirkadda ayaana sameynaysa dadaal lagu hormarinayo adeeggaas ka hor inta aan loo fasixin qof walba.


Ilaalinta xogta qoraallada labada dhinac - oo ah adeeg ay WhatsApp ku caan baxday - ayaa wali kusii shaqayn doona habka cusub ee lasoo kordhinayo, sida ay maamulka xaqiijiyeen.


Shirkado dhowr ah oo u shaqeeya sida WhatsApp ayaa horay u sameeyay adeegyo noocan oo kale ah, waxaana ka mid ah shirkadda ay xifaaltamaan ee lagu magacaabo Signal, taasoo macaamiisheeda telefoonka ku xujaysa marka ay isdiiwaan galinayaan kaliya. Qof walba oo adeeggaas isticmaala kuma khasbana inuu telefoon haysto marka uu farriimo dirayo ama helayo.


Laakiin muddo dheer ayaa WhatsApp laga dalbanayay adeeggan - iyadoo lagu soo warramay in ay codsadeen macaamiil gaaraya labo bilyan oo ruux.


' Dib u fikirid'

Bayaan lagu shaaciyay tallaabadan cusub ayay injineerrada Facbook ku sheegeen in isbaddalka uu u bahnaa "dib u fikirid" ku saabsan software-ka lagu sameeyay WhatsApp.


Sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay shirkadda, qaabka hadda la isticmaalo wuxuu ku qorshaysan yahay telefoonnada casriga ah maadaama ay iyaga kaliya awood u leeyihiin ilaalinta xogta macaamiisha.


Adeegga kumbuyuutarrada ee WhatsApp Web iyo aaladaha kale ayaa ka dhigan "muraayad" laga arkayo telefoonka gacanta.


Hase yeeshee qaabkaas ayay macaamiisha ka cawdeen maadaama uu mar walba kala go'o.


Taas ayaa sidoo kale ka dhigan in halmii marba hal meel laga isticmaali karo WhatsApp-ka, haddii meel kale laga furana uu xirmayo kii horay u shaqaynayay.


"Adeegga cusub ee WhatApp ay ugu talo gashay aaladaha badan wuxuu meesha ka saarayaa cilladahaas, mana dalbanayo telefoon casri ah oo saldhig u noqda isticmaalka, walina waa lasii ilaalin doonaa xogta macaamiisha," ayay tidhi shirkadda


Laakiin Jake Moore, oo khabiir ku ah amniga, kana tirsan shirkadda la dagaallanta fayrasyada internet-ka ee Eset, ayaa sheegay in si walba oo loo xoojiyo amniga, marba haddii aalado badan la isticmaalayo ay halis gali karto xogta.


"Mar kasta waxaa jiri doona dad xumaato sameeya oo isku dayi doona inay xogta xadaan," ayuu yidhi.


"Dadka tacaddiyada ka gaysta qoysaska dhexdooda iyo kuwa shukaansiga khasabka ah raadiya waxay fursad u heli karaan inay adeeggan cusub u isticmaalaan danahooda, si ay xog dheeraad ah u helaan."


Wuxuu sidoo kale sheegay in qofka macaamiisha ah ay mas'uuliyad ka saaran tahay sidii uu mar walba isaga ilaalin lahaa kuwa sida khaldan wax u isticmaala.


BBC

Loading...
Loading...