Shaqada Reer Hargaysa Ka Sugayaan Maayir Mooge, Way Ka Badan Tahay Nadiifinta Dooxa!

0
Saturday July 17, 2021 - 15:44:14 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 986
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqada Reer Hargaysa Ka Sugayaan Maayir Mooge, Way Ka Badan Tahay Nadiifinta Dooxa!

    Shaqada Reer Hargaysa Ka Sugayaan Maayir Mooge, Way Ka Badan Tahay Nadiifinta Dooxa!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqada Reer Hargaysa Ka Sugayaan Maayir Mooge, Way Ka Badan Tahay Nadiifinta Dooxa!



Ololaha qaatay muddo, ka dib Hammi ku jiray wakhti badan waxa Cabdikariin Axmed Mooge uu ku soo baxay Doorashadii Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada ee Somaliland ka dhacday 31 May, 2021.


Cabdikariin A. Mooge oo ololaha doorashada ku galay inuu doonayo inuu noqdo Maayirka Caasimadda Hargeysa, ayaa Alle SW ku guuleeyay, waxaana Alle ka sakow taa suurto-geliyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo tixgelisay Codad ka badan 26 kun oo uu ka helay degmooyinka Hargeysa, codadkaasi oo Mooge iyo Taageerayaashiisu ku macneeyeen inay ku yimaaddeen Rabbitaanka oo ka daalay waxqabad xumadii Maayarkii ka horeeyayn iyo Golihiisii degaanka.
Hooyooyinka Iyo Macalimiinta Waqtigan Jira (WQ: Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine) - SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD | SHABAKADDA WARBAAHINTA GEESGUUD

Mr. Mooge, maaddaama oo Shacabku siiyey Codad aanu filaynin, waxay ka sugayaan waxqabad Farxad geliya, sidaa darteed, isagoo ka faa’idaysanaya dareenka dadka doonaya waxqabadka, ayuu Maalmo ka dib markii uu xilka la wareegay ku dhawaaqay olale nadafadeed oo uu wax kaga qabanayo xashiishka iyo nadaafad darada ka muuqata dooxa weyn ee magaalada Hargaysa, talabadaas uu qaaday maayirku waxaa badiba soo dhaweeyay hal-doorka bulshada ku dhaqan caasimadda, si gaar ahna dadka ku ganacsada suuqa Waaheen oo nadaafad-darrada dooxu dhibaato ku haysey.

Hase-ahaatee, waxa soo baxaya su’aalo badan oo tuhun-gelinaya inuu jiray qorshe horumarineed oo Maayirka hore ugu diyaarsanaa iyo in aanay jirin, maaddaama oo uu Toddobaadkii labaad uu Maayirku faraha kala bixi la’yahay hawshii Dooxa, taas oo ay hawsha u taalla ama laga filayaa ka baaxad weyn tahay Qashinka Dooxa ee uu wakhtiga badan gelinayo.

Inkastoo dayac weyn iyo burbur ka maquudo kabaayaasha dhaqaalaha ee magaalada Hargaysa gaar ahaan wadooyinka oo dib u dhaca weyni ka muuqdo inkastoo ay Maayiradii ka horeeyay Maayir Mooge ay dayactir iyo dib u cusboonaysiinba ku wadeen hadana dhibaatada ugu weyn ee bulshada haystay waxay ahayd Wadooyin xumo.

Madaama ay ballanqaadyadii uu qaaday Maayir Mooge waqtigii uu olalaha doorashooyinka ku jiray inuu wax ka qabanayo wado xumada haysta caasimada taas oo uu ku kasbaday quluubta dadweynaha isaga oo ku noqday musharixii ugu codka badnaa abid ee u tartama doorasho Gole deegaan oo Somaliland ka dhacda.

Dad aan ka mid ahay, ayaa ku mashquulka Maayirka ee Dooxa Hargeysa ka aaminaya in aanay jirin wax Maayirka uga diyaarsanaa oo uu ku wajahayay baahiyaha ka muuqda caasimada iyo wax ka badal uu ku sameeyo xidhiidhka dadweynaha iyo dawalada hoose oo hoos udhaca weyni ku yimi muddoyinkii dambe, madaama ay bulshadu ka aamintay inay dawlada hoose iyo maamulkeedu ay yihiin meel musuq maasuq iyo maamul xumo hadhaysay oo aan dalka iyo dadka toona faa’iido u lahayn.

Maxaa La Gudboon Maayir Cabdikariim Axmed Mooge Iyo Golihiisa Deegaanka

Inkastoo ay bulshada caasimadu kiiwii u codeeyay iyo kuwii aan u codayn ay haddana rajo isku mid ah ka qabaan maayirka cusub iyo golihiisa deegaanka oo ay filayaan inay wax ka qabtaan baahiyo ay in badan raadinayeen cid wax ka qabta, isla markaana maayirkuna usii ilaaliyo kalsoonida iyo jacaylka ay u qabaan bulshada ku dhaqan caasimadu waa inuu talaabooyinkan qaadaa

1: Inuu sida ugu dhaqsaha badan u soo bandhigo qorshihiisa uu ku wajahayo baahida ka muuqata caasimada kulana tartansiinayo caasimadaha wadamada inla jaarka ah.

2: Inuu yareeyo barnaamijkan igu sawirta u eeg ee la leeyahay maayirkiiba halkan maryey iyo halkanuu wax ka cunayey oo wixii uu qabanayo si hoose oo aanay cidi ogayn u qabto.

3: inuu yareeyo cabashadan iyo waxan nala qabtaayda badan intuu xilka ku cusub yahay maxaa yeelaya cabashada badan waa laysku nacaa.

4: Inuu xad iskaga yeelo inta uu cusub yahay warbaahintan doonaysa saxarka uu qaadaba inuu warysi iyo sharaxaad ka siiyo.

5: inuu yareeyo mana sheegashadan badan ee uu leeyahay waxba idinkama cunaayo, waxba idinkama qaadanayo iyo waxaba idinkama doonayadan.

6: Inuu wax ka badal ku sameeyo hab maamulka dawlada hoose hargaysa iyo qaabka ay cashuuraha bulshada uga qaadaan.

7: Inuu dhiig cusub ku shubo Guddomiyayaasha degmooyinka Caasimadu ka koobantahay si ay ula jaanqaadaan isbadalka cusub ee uu sheegayo inuu ku waddo magaalada.

qodobadaas waa inuu dhaqan galiyaa haddii uu Maayir Mooge doonayo inay kalsoonida iyo jacaylka ay shacabka caasimadu uqabaan sii joogto.

WA BILAAHI TAWFIIQ
W/Q Cabdiraxiim Cabdillaahi Shiine

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...