Guddoomiyaha Jaaliyada Leeds S/land Community Center Uk Oo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geerida X. C/kariin Xuseen (Cabdi Waraabe)

0
Monday May 13, 2019 - 08:45:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Jaaliyada Leeds S/land Community Center Uk Oo Qaranka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geerida X. C/kariin Xuseen (Cabdi Waraabe)

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.



Guddoomiyaha Jaaliyada Leeds Somaliland Community Center Uk A A Hussein (Ina Warmahaye)oo kamida Odayaasha Jaaliyada Somaliland ee magalada Leedswaxa uu dhambaal tacsi ah udirayaa,golayaasha wakiilada,guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan, oday, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay10/05/2019,Magaalada Hargeysa. waxaanu Guddoomiyaha tacsi taa la mida u dirayaa dhammaan tafiirta Reer Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf meel ay kala joogaanba.



Guddoomiyaha ayaa waxa xusay in Xaaji Cabdikariin Xuseen ahaa geed damala oo ilaa dhalinyaro-nimadiisii kasoo shaqaynaayey, kana danbeeyey danta guud iyo ilaa maalintii Dib loogu dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland ilaa Maanta oo Xaqii u yimi intaasba wuxuu u taagnaa midnimada, nabada, xal uraadinta khilaafaadka iyo taabo-qaadka dawlada Somaliland,


Guddoomiyaha waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha wakiilada,guurtida, madaxda dhaqanka, waxgaradka,waayeelka, aqoonyahanka, dhammaan reer xaaji Cabdikariin, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...