Waqti Layaab Leh ayaynu Joognaa

0
Saturday July 17, 2021 - 11:14:14 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqti Layaab Leh ayaynu Joognaa

    ARINKA LAYAABKA LEH!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ARINKA LAYAABKA LEH!


Zaman qaawanaantu noqotay ganacsi laga macaasho, qurux ,hab dhaqan wanaagsan, halka haweeneedu kusoo bandhigeyso quruxdeeda iwm.

halka asturnaantu noqotay wax lagu tilmaamo jaahilnimo,doqonimo,xadgudub loo geesanaayo dumarka iyo wax cusuur/waqtiyo hore la isticmaali jiray hadana laga gudbay .


Gabadha maanta ugu sareyso aduunka uguna quruxda badana waa mida is qaawisa,gashatana dhar kan ugu liita!

Waxaa arkeysaa haweeney kaliya ay u qarsoontahy inta u dhexeeso xabadka ilaa jilbaha inta ka koreeso oo laleeyahay waxee ku guuleesatay bilada quruxda aduunka!

Xitaa gabdhaha muslimaatka ah Markey nimankooda la joogaan maqaataan dhar sidaas ah, way ka xishoodaan halka mida kale ee la leeyahay waxey qaadatay bilad sharaf ay la hortegeeso boqolaal kun oo qof hortooda iyo balaayiin kale oo shaashadaha ka daawanaayo .

Dadka sidaas ah ayaa waxaa laleeyahay dunida ayey hormuud iyo indho u yihiin cajiib!
Zamankaan, dumarku waxey noqdeen calaamad ganacsi waxyaabaha ugu waaweyn oo loo adeegsadana waxaa kamid ah xiyeysiinta, duubida aflaamta anshax xumada ah ,soo qaadida sirar muhiim ah iyadoo adeegsaneeso jirkeede [Tan waxaa adeegsado badanaa sirdoonka ] iwm.

Shirkadhaha waaweyn waxey adeegsadeen oraah ah "si ganacsigaaga u kaco keenso haweeney soo jiidasho leh " soo jiidashada waa qaawanaata.

XILIGA AROOSKA

Badanaa ninka caruuska ah wuxuu soo xirtaa suud aad u qurux badan oo soo jiidasho leh ,halka gabadha uu guursanaayana uu usoo xiro maro ka yar oo aad ugu dhegan, xitaa hadii uu dooqeeda yahay magaran waayay in uu dhaho ,kan aniga kama helin ee mid ka fiican oo ku asturaayo soo gasho,ileen in sidaan quruxdaada aa ku muujisid kuuma aroosaaye [Caqli daanyereed]
arinkaan sanadihii danbe wuxuu soo gaaray soomaalida oo si qaldan u isticmaalay iyagoo is leh bal arooskiina aroos la hadal haayo ha noqdo, adiga qof muslim ah ayaa tahay alle wuxuu ku amray inaa is asturtid ee dhaqankaas adiga malihid mana ahan kii lagu yaqaanay qofka muslimka ah ee ka digtoonow hadaa sameen rabtid .

ARINKA LAYAABKA LEH!

Gabar ayaa soo dhigeeso sawir ama soo duubeeso video ee ku muujineeso qeebo kamid ah jirkeeda iyadoo dharka ay wadato isku dhajineeso,si ay dadka kale ula wadaagto xubnaha jirkeeda sida ay yihiin, dadka intooda badan waxey u qoraayaan "allow adigoo kale inoo badi " waa arin layaab iyo argagax leh runtii dadkaas hada ma duceesteen mise halaak ayey afkaada iyo gacmohooda ku doonteen? allow afkeena iyo gacmaheena ha inagu imtixaamin. والعياذ بالله

Umadii intii ugu badneed dariiqii la rabay maahanee dariiq kale ayee raceen.
Gabaryahay ku dadaal xijaabka marwalba iyo meel walba aa joogtid hadii aa isleedahy waa laguugu nacaa ogsoonow Rabbi SWT ayaa kugu jecel naxariistiisa ayaana kugu soo degeeso ogsoonow markaa xjibaaka xirantahy waxaa xanbaarsantahay aayad kamid ah aayadaha alle .

Wiilyahow adigana walaashaa, xaaskaada, hooyadaa iyo dhamaan qoyskaagaba amar xjibaaka haka xihsoonin xaqa hana is dhihin heblaayo way kaa weentahee sidee aan sidaas u dhahaa wanaaga kuma xirno yaraan iyo weynaan ee waa hidaayo rabbi .

Alle ha inagu dhigo kuwii wanaaga iskula dardaarmo marwalbaba xumaantana Iska reebo .
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...