Faallo:-Muuse Biix Iyo Dillaaliintiisii Oo Ku Hungoobay Inay Soo Xerro geliyaan Xildhibaannada Isbahaysiga

0
Saturday July 17, 2021 - 11:14:42 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:-Muuse Biix Iyo Dillaaliintiisii Oo Ku Hungoobay Inay Soo Xerro geliyaan Xildhibaannada Isbahaysiga

    Faallo:-Muuse Biix Iyo Dillaaliintiisii Oo Ku Hungoobay Inay Soo Xerro geliyaan Xildhibaannada Isbahaysiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faallo:-Muuse Biix Iyo Dillaaliintiisii Oo Ku Hungoobay Inay Soo Xerro geliyaan Xildhibaannada Isbahaysiga


Hargeisa(HWN):-Dhawrkii cisho ee u danbeeyay waxay ahayd meel mashquul badan oo albaabkastaaba uu furan yahay, halkaasi waa xarunta laga maamulo Somaliland ee loo yaqaan Madaxtooyadda.
Muuse Biixi oo sheegay in DFS ka baxday wadahadaladii Jabuuti – Puntland Post


Xaruntan waxa fadhiista Muuse Biixi oo ah hoggaamiyaha Somaliland, waxa kurbo ku haysa loollanka loogu jiro Shirguddoonka golaha Wakiillada oo hadda soo gaadhay wareegii ugu xaasaasisannaa, iyaddoo ay si adag isaga soo horjeeddaan Isbahaysiga Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo uu Muuse Biixi Horjooge u yahay.

Muuse Biixi ayaa Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin Xilal ka haya oo ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE, waxa uu u diray inay Suuqa u gallaan Xildhibaannada ay haystaan Xisbiyadda mucaaridka ahi, isla markaanna ay ku soo qanciyaan waxkasta oo ay codkoodda ku bixin karraan. Xubnahan oo ah kuwo ku shaqaynaaya Madaxtooyadda oo Dillaaliin u ah, isla markaanna loo diray inay soo qab-qabtaan oo soo Xerro-geliyaan, iyagoo u sheegaaya Xilal, Xoolo iyo Mashaariic waa wayn oo la siinnaayo Xildhibaannada ka soo baxay Xisbiyadda mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID.

Ilo wareedyo kala duwan oo aannu xidhiidh la samaynay ayaa noo xaqiijiyay in Muuse Biixi iyo Dillaaliintiisii ay dhaafi waayeen 36 Xildhibaan, hase yeeshee tirradaasi waxay xaaladdii muuse Biixi ka dhigtay mid kacsan oo jiif iyo joog toonna ogolayn, waxaannu cannaan iyo dagaal kala dul-dhacay Dillaaliintii uu u drsadday suuqa.

Si kastaba ha-ahaatee, Madaxtooyadda Somaliland ayaa muddooyinkii ugu dambaysay laga darreemaayey mashquul aad u badan,iyadoo ay soo buux-dhaafiyeen Dilaaliin, Madax-dhaqameed iyo Siyaasiyiin iskugu jira,kuwaasoo adeegayaal u ah Madaxtooyadda,isla markaana kala Shaqaynaaya sidii ay u soo xero-gelin lahaayeen Xildhibaano kooramka u buuxiya Xukuumadda KULMIYE.

Loading...
Loading...