Taxanaha Xikmadda Q:8aad

0
Saturday July 17, 2021 - 11:07:55 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxanaha Xikmadda Q:8aad

    Xikmadihii Iyo Odhaahihii Nalson Mandela (Halgamaaggii Suullinta Midabtakoorkii Koonfur-Afrika)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xikmadihii Iyo Odhaahihii Nalson Mandela (Halgamaaggii Suullinta Midabtakoorkii Koonfur-Afrika)

1: "Xabsiga gudihiisa, xusuustaada ayaa hal mar cadaw iyo saaxiib kula noqonaysa.”
2: "Caqliyadda aargoosigu, dawlad ma dhisto. Halka caqliyadda cafisku, ay ummad dhan dhisto.”
3: "Qofna ma dhalan isaga oo qof kale ku neceb sababta midabkiisa, isirkiisa ama diintiisa. Dadka waa la baraa nacaybka, sidaa darteed haddii nacaybka la bari karo; jacaylkana waa la bari karaa, weliba qalbiga qofka waxaa u dhow jacaylka.”
4: "Hantina ma horseedo libinta, ee madax-bannaani ayaa horseeda.”
5: "Ma jirto wax lamid ah inaad ku laabato meel, taaso sii ahaatay mid aan isbeddelin, si aad u hesho dhinacyada kala duwan ee naftaadu isu beddeshay.”
6: "Waajib ayay inagu ahayd qaddarinta dawladdu, maadaama oo ay waxbarasho ina siisay.”
7: "Geesinimadu maaha in baqdintii maqan tahay, ee waa in aad ka adkaaday dareenkii baqdinta.”
8: "Xorriyada xidhmo-xidhmo looma bixiyo, ee waa in aad wada hesho ama wada weydo.”
9: "Arrinka kaliya ee xabsiga kugu raalli galinayaa, waa in aad haysato waqti aad ku fikirto.”
10: "Waxbarashadu waa hubka ugu mudan, ee aad adduunka ku beddeli karto.”
11: "Qofka cadhooda, waa sida qof inta uu sun cabbo, kadibna rajeeya in cadawgiisu ku dhintaan.”
12: "Haddii aad nin kula hadasho luuqad uu fahmayo, hadalkaasi waxa uu aadayaa maskaxdiisa. Haddii aad nin kula hadasho luuqadiisa, hadalkaasi waxa uu aadayaa qalbigiisa.”
13: "Ma jiro dunida dal horumar ku tallaabsaday, isaga oo aan dadkiisa wax barin.”
14: "Is cafinta macnaheedu maaha, in wixii dhacay lawada ilaabay.”
15: "Ficil aan lahayn aragti fog, waa waqti lumis uun. Aragti bilaa ficil ahina waa riyo maalmeed, laakiin aragti iyo ficil wada socdaa waxa ay beddeli karaan adduunka.”
Xikmaddee si gaar ah kuu soo jiidatay?




Qalinkii: Maxamed-Deeq-Darajo
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...