Daboolo Afkaba Xidho, Qaar Ku Doonayaa Imane, Dagaalkaagu Hoosiyo Ha Ahaado, Duurxulis

0
Saturday July 17, 2021 - 09:54:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daboolo Afkaba Xidho, Qaar Ku Doonayaa Imane, Dagaalkaagu Hoosiyo Ha Ahaado, Duurxulis

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B],

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.


DAMEER MALAB LA SAAREE,USHANA LOOGU SII DARAY,



DAREEN MIYU U LEEYAHAY,DUSHA WAXA LAGAGA RARAY,


DADKANA WAA SIDAAS QAAR,DOQONIIMO KAMA AHEE,


DABEECADIYO WAKHTIGA JIRA,AYAA BARAY DULQAADKA.


LAGASE DOOGIDOONAAYE,MAANTA YAAN LA DACAROON,


CIDNA HAW DARDAARWERIN,DARAATOOLE WIXI DHACAY,


DOORKAAGA WAAD HELIYO,DUNIDU MEERTO WEEYAANE,


DEGDEGUHU MA GAADHEE,SAMIRKAA KA DOOR ROON.


DAYAXA IYO CADCEEDIYO,XIDDIGAHAN INAGU DEDAN,


DALEELKA INOO IFTIINSHE,KAA SAARAY DEGEMATAY,


DADKII HORE KU NOOLAA,WAA DARIIQ CILMIGU FURAY,


DIINTENUNA MA DIIDANA,DOONANA LAGU YIDHI.


DURBAAN LAYSU TUMO IYO,DOORASHIYO CIYAARAHAN,


DUUL KHAASA BAYSKA LEH,DADKU MIYAY U SIMANYIIN


DARAAD KII FADHIYAY IYO,KUWAN DOORKAN JOOGAA,


LABADIISI DAANIYO DAMEERIYO,DHASHIISII.


DAAYINKA WAX BIXIYE,DUUNYO RUUXA LAL RABO,


DADKEEDU KU SIIYAA,DAWLADUNA SIDOO KALE,


DEEQ KUMA TIMAADEE,DISTOORIYO SHARCA HAGA,


DIINTA IYO DHAQANKAA,DUNTEEDA LAGU SALEEYA.


DURDURADA IYO ORODKIYO,DEGDEGAA FARA BADAN,


DAABACA HOOSTA MARIYOO,DUSH SARE DURKI KEEN,


DUNIDU WAYNA ARAGTAA,HADDII INA DIIDAAN,


ADIGUNA DEBNAHA XIDHO,DANAHAAGA KU IKAW.


QAAR KU DOONAYAA IMAN,DABOOLO AFKANA XIDHO,


DAGAALKAAGU HOOSIYO HA AHAADO,DUURXULIS,


DAWLADA ADUUNYADA,DHAMANTOD KA DHIGO DERIS,


LABADII ISDILAYABA,KU DADAAL HESHIISEEN.


DUNIDA WAXAYNU DHEERAHAY,DUQAYDA WEEYE GUURTIDA,


BARA DAWLADAHA KALE,SIIBA DUULKAN XAMAR YAALEEN,


DANTOODIIBA GARANAYNIN,SHAYDAAN INAGU DIRAY,


DABADHIGAY ILAAHAY,DEBNAHEENA WAXA GALA.


DUNIDU WAA ISDHAFSIYE,DAREENSANOW ISKAASHIGA,


DANTAAD ADIGU LEEDAHAY,TOODANA HA LAGU DARO,


ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...