Nin Dhaldhalaalku Hodey

0
Saturday July 17, 2021 - 09:50:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Dhaldhalaalku Hodey

    W/Q; Cabdullaahi Maxamed Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q; Cabdullaahi Maxamed Cumar

Nin Soomaaliyeed oo iska ladnaa, ayay xaaskii ka xanuunsatay. Ninkaasi wuxu ahaan jirey, nin aad u dhawrsan oo aan maqaaxiyaha waxba ka cuni jirin ee reerkiisa ku kooban.



Xanuunka haweenaydiisu wuxu ku kallifey, in uu markii ugu horreysey in muddo ah; meel aan gurigiisa ahayn u qado tago!


Haddaba, markii u go'aansaday in uu dibadda wax ka soo cuno; ayuu xasuustay hudheel aan ka fogeyn oo beryahaasi la furay. Hudheelkaasi oo ahaa mid si casri ah loo dhisay oo qurux badnaa, ayuu is yidhi, " Mar haddii aad meel tegeysid kaasaa kuu qalma oo cusub ee soo hubi."


Intuu hudheelkii galay oo soo faraxashay ayuu meel cidhif ah oo asturan fadhistay - si aan loo arag isaga oo makhaayad wax ka cunaya oo aan loo ogaanin xaaladda reerkiisa.


Markii uu cuntadii dalbaday, ayaa loo keenay; cunto aan dhandhan iyo dhashiir midna lahayn oo weliba qabow! Dabadeedna, mid ka mid inamadii shaqaalaha ahaa ayuu u yeedhay; isaga si tixgelin leh, uga codsaday in cuntada loo soo diiriyo. Inankiina si ixtiraam leh ayuu cuntadii uga qaaday oo u soo diiriyey.


Markii uu is yidhi cuntadii cun, ayuu ka yaabay dhandhan xumadeeda. Yarkii ayuu mar labaad u yeedhay oo ku yidhi, " Waar bal jeex liin ah iyo shigni ii keen." Waana loo keenay - mase u dhandhamaysaa! Isaga oo cadho ka muuqato, ayuu inankii ku yidhi, " Waar ninkii makhaayadda lahaa mee? Ma waxanaad dadka iibisaan?"


Inankii oo hadalka ninka dhibsaday, ayaa yidhi, "Haddii aad dooneysid ninka makhaayadda leh, orod oo u sheeg waa makhaayaddaasi ka qadaynayee!!"


Ninkii oo yaabban ayaa halkii ka kacay oo yidhi, " Adeer i soo xisaabi, anigaa waallaa marka aan wax u soo doontay; meel ninkii lahaaba ka qado tagaye!"


Dhaldhalaalka ha eegan

Ee halka aad ku dhergeysid

Iyo dhandhankaa la xushaa!


Cabdullaahi Maxamed Cumar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...