Gobanimadu Waa Geed Ku Baxa Dhiiga Geesiyada
Maxamed Mooge Liibaan wuxu ku dhintay 40jir, wuxuuna ku Caan baxay 22jir, 18 Sano oo kaliya ayuu caalamka oo dhan magaciisu ku gaadhay oo waliba uu 8sano oo ka mida kaynta ku jiray, Allah hawnaxriistee wuxu ahaa shamac iftiinkiisu mudo kooban caalamka kuwada gaadhay iyadoo aanay jirin social media sifudud loogu soo caanbaxa berigaas, walibana aan laga haynin muqaalo badan oo la daawado iyo sawiro badan toona ayuu hadana quluubta Somalida qabsaday mudo kooban isagoo dhalinyaro ah.
Tacabkiisii muu khasaarin maanta Mar hadii dadkii uu u halgamayay iyagoo xor ah ay sharaf iyo cisi ku noolyihiin imbadan ayuu jeclaa inuu arko reer Hargeisa oo dhan uwada jeeda iyo Somaliland oo mida oo xor ah Lakin waqtigu kuma simin waayo gobaninadu waa geed ku baxa dhiiga geesiyada geedkiina maanta inaga hadhsanayna.
Maxamed Mooge (AHN) waxa ugu filan
hiil iyo ixtiraam in maanta xaafad kamida Hargeisa loogu magac daray iyo inay
reer Hargeisa ku xuseen Mooge family (26k votes) reer Hargeisa waa
gob waxay 26000 kun oo cod ku doorteen si wada jira oo bila qabiila
#Abdikariim_Ahmed_Mooge oo uu adeer u ahaa #Macalin_Abwaan_Fanaan_Musician/
#Halgama Maxamed Mooge Liibaan taasina
wa qayb ka mida abaalkii oo ay iska celiyeen.
Ugu danbayn waxaan sigaara ugu
mahad Naqayaa qoraa #Cabdikariin_Xikmaawi oo isagu ah qoraaga Boogga ama
dhiganaha #FOOLAAD ee ururiyay qayb kamida taariikhda hodanka ah ee Mooge Allah
hawnaxariisto isaga iyo dhamaan halgamayaashii kale amiin.
Allah Mahad leh
Abdiqani Salaf.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!