Fan-dilayaasha Dhawaan Dhawaan Kasoo If Baxay Dalkaas Muqdisho IyoHagar Daamada Ay U Gaysanayaan Soyaalka Fanka.
Sida aad la socotaan waxa baryahan danbe soo badanaaya dad raba in ay xididada u siibaaan suugaantenii cuslayd ee soo taxnaan jirtay.
Taasi oo lahaan jirtay hab maamuus iyo siiqa u gooni ah soona socotay jiil ka Dib jiil.
Dhawaan iyo wakhtiyo dhow waxa soo if baxayay xidig beenayaal iska dhigayay fan nooleeyayaal kuwaas oo u badheedhay hoos u dhigida iyo bahdilnimada suugaanta iyo fankeenii xayiga ahaan jiray
Kuwaasi oo mudh kasoo yidhi baraha bulshada gaar ahaan kuwa aynu uguisticmaalka badanahay ee tiktokyada Facebook Yada instgaram Yada iyo aaladaha kale ee technology da .
Lama diidana in ay suugaanta la jaan qaado casriyada jira loo adeegsado qaabab badan haddana maaha in ka baxdo badaheeda iyo asaasiyaadkeeda aba furka u ah billowgeeda.
Fanaan socdaal mid kaloo fala dagana iyo sharma boyba waxa ay ku wadaan suugaantenii iyo fankeenii kuwa aan xikmadaysanayn iyo waxa ay ugu yeedhaan Raab.
Aduunyadana wixii xikmad uunbaa waara tusaale bari dhawayd waxa soo baxday hees la dhaho barbar heestaa oo qabsatay dhagaha dadweynaha soomaalida ,balse waxa ay ahayd afartii cishuun idinka idin wayddiinayayeee Dib ma u maqasheeenheestii barbar. Waa Maya.
Waxaad Maqlaysaa heesta hooyada ee tubeec qaado ama heesta ciida ama balladweyn oo aan duugoobayn heesahaa maxaa is dhaafiyay? sababtoo ah midna xikmad weeyi oo waligeedba waala dhagaysanayaa qaar Waa badhaacii oo afartaa cishuunweeyi.
Haddaba talladayda Waa in laga qabtaa dadka fan dilayaasha fanka. Maqaalka manta
By hamse Riiraash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!