Ciidanka Booliska Oo Baadhis Ku Haya Falkii Dilka Iyo Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Hargeysa

0
Friday July 16, 2021 - 11:25:32 in News by
  • Visits: 1882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Booliska Oo Baadhis Ku Haya Falkii Dilka Iyo Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Hargeysa

    Ciidanka Booliska Oo Baadhis Ku Haya Falkii Dilka Iyo Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Booliska Oo Baadhis Ku Haya Falkii Dilka Iyo Kufsiga Ahaa Ee Ka Dhacay Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Alle ha u naxariistee Gabadh lagu magacaabi jiray Hinda Cumar, ayaa la sheegay in inta la kufsaday, ka dibna lagu dilay Magaalada Hargeysa.



Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland


Qoyska Marxuumadda oo la hadlay Warbaahinta, ayaa falkan naxdinta leh ku eedeeyay nin Bas wade ka ah iyo Kirishboygiisa.

Haweenay ay Dumaashiyo ahaayeen Marxuumadda Geeriyootay oo la hadashay Telefiishanka Bulsho, ayaa ka warrantay siday u dhacday arrintan Naxdinta lihi, waxayna tidhi "8:40 PM ayaa bas huruud ah oo laba nin saaran yihiin saaray Inanta, 9:00 PM waxa la igu yidhi inantii waa meyd”


Haweenaydan oo aad u murugaysan ayaa sheegtay "Sidaas ayay inantii ku geeriyootay iyadoo kufsi iyo dil loo gaystay” ayay hadalkeeda sii raacisay.


Haweenayda la waraystay waxay sheegtay in dhakhatiirtu u caddeeyeen in inanta la kufsaday intaan la dilin ka hor "Dhakhtarku wuxuu yidhi waxay u dhimatay kufsi iyo dil” ayay tidhi.


Falkan oo ah mid naadir ku ah Somaliland isla-markaana ka dhacay Koonfurta Magaalada Hargeysa, ayaa waxa weli baadhaya Ciidammada Booliska, mana jirto Cid loo qabtay falkaa oo illlaa hadda la ogyahay.


Loading...
Loading...