Markabkii Dhawaan Ka Baxsaday Dekeda Berbera Oo La Ogaaday Halka Uu Ku Sugan Yahay

0
Friday July 16, 2021 - 11:03:16 in News by
  • Visits: 2762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markabkii Dhawaan Ka Baxsaday Dekeda Berbera Oo La Ogaaday Halka Uu Ku Sugan Yahay

    Markabkii Dhawaan Ka Baxsaday Dekeda Berbera Oo La Ogaaday Halka Uu Ku Sugan Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markabkii Dhawaan Ka Baxsaday Dekeda Berbera Oo La Ogaaday Halka Uu Ku Sugan Yahay

Hargey(HWN):-Markab u rarrnaa ganacsato reer Somaliland ah oo dhawaan isaga baxsaday dekadda Berbera ayaa la xaqiijiyay inuu ku xidhay dekadda magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.


Guddoomiyaha ururka ganacsatadda Somaliland Axmed Xasan Ciise Shiine, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera ayaa sheegay in ay soo xaqiijiyeen in markabkaasi uu gaadhay magaaladda Dubai.



Baadhitaan dheer oo ay sameeyeen kadib, ganacsatadii uu Markabkaasi u rarrnaa iyo ururka ganacsatadda Somaliland.
Markabkaasi oo muddo afar maalmood ah la raadinayay, kadib markii uu si lama filaan ah uga goostay dekadda Berbera.
Kaasoo dekadda Berbera ku soo xidhay 31-kii bishii June ee ina dhaaftay oo uu soo gallay biyaha dekadda Berbera.


Markabkaasi oo u rarrnaa ganacsato reer Somaliland ah ayaa siday noocyo kala duwan oo shixnad ah oo qadarkeedda lacageed lagu qiyaasay 5 Milyan oo Dollar.


Sababta keentay in markabkaasi uu dekadda Berbera dib uga noqdo iyadoo aan laga roggin alaabtii uu siday ayaa lagu tilmaamay khilaaf dhex maray shirkadda markabkaasi leh iyo maamulka dekadda Berbera.


Markabkaasi oo muddo dhawr maalmood ah taagnaa dekadda Berbera ayaa si lama filaan ah u baxsaday 5-tii bishan July ee aan ku jirno.
Kaasoo xili waaberigii ah mar qudha Signalkiisa la waayay, sida ay board cantrol ka dekadda Berbera u sheegeen ganacsatadii uu markabkaasi u rarrnaa.

Sida uu sheegay guddoomiyaha ururka ganacsatadda Somaliland Axmed Ciise Shiinne.

DAAWO: Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatadda Somaliland Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:


Loading...
Loading...